Dawladda Imaaraadka Carabka oo Muqdisho ka qaaday dhaawacyadii Qaraxii Central Hotel+Sawirro

Muqdisho-(Berberanews)-Dowladda Imaaradka Carabta ayaa maanta ku dhawaad 13 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho  u qaaday dalkeeda si halkaasi loogu dabiibo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa ka mahadceliyay taageerada hiilka iyo hooda ay la garab taagan yihiin dowlada Isutaga Imaaradka Carabta walaalahooda soomaaliyeed ee haatan dhibaanaysan,gaar ahaan kuwii ku dhaawacmay weerarkii  dhacay 20-kii Febraayo.

Sidoo kale Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan oo ku sugnayd garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegtay in dadka la qaaday ay ka mid yihiin dad qaba dhaawacyo halis ah waxayna sheegtay in kuwa hadhsana ay sidoo kale u baahan yihiin in la dhoofiyo si ay u helaan adeeg caafimaad oo heerkiisu sarreeyo, iyadoo xustay inay jiraan dowlado dhowra oo ka jawaabay codsi ay dirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Suleymaan Ibraahim Maxamed  oo ka mida dadkii la qaadayay  maanta ayaa ka warbixiyay dareeenkiisa ku aadan qaadista dalka dibadiisa,isagoona mahad balaaran u jeediyay walaalaha Isutaga Imaaradka Carabta oo noqotay dowladii ugu horeysay ee ka soo jawaabtay baaqii dowlada federaalka Soomaaliya u jeedisay dowladaha caalamka.a1662972 27d4880b 735478a0 2513249b 5d1df808 eacbce03

Berberanews.com

info@berberanews.com