Kenya oo ka digtay weerar ay Al-shabaab ku baddhtilmaameedsanayso Xarunta Baarlamaanka

Nairobi-(Berberanews)-Sirdoonka Kenya, ayaa daaha ka rogay in Ururka Al Shabaab uu soo qorsheeyay weerar ka dhan ah Xarunta Baarlamaanka Kenya ee Magaalada Nairobi.

Warbixinta uu Sirdoonka Kenya soo saaray, ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi la qorsheeyay inay fuliyaan ugu yaraan 12 nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, iyadoo lix ka mid ah sida ay sheegeen ayba ku sugan yihiin Magaalada Nairobi, halka lixda kalana aan la aqoon goobaha ay ku sugan yihiin.

Sida Warbixinta lagu sheegay Sirdoonka Kenya, ayaa ogaaday in la diyaariyay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, si loogu adeegsado weerarka ka dhanka ah Baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale waxaa Warbixinta lagu sheegay in weerarkaasi uu soo qorsheeyay nin magaciisa lagu sheegay Mohammed Mohamud, oo xubin ka ah dagaal-yahanada Al Shabaab.alshabaab44444

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Mohammed Mohamud uu sheegtay masuuliyadda weerarka 22-kii bishii November ka dhacay duleedka Magaalada Mandhera, laguna qaaday gaarigii baska ahaa, ee rakaabkii la socday ku sii jeedeen Nairobi.

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Kenya General Samwel Arachi, ayaa sheegay inay xoojiyeen ammaanka dhammaan xarumaha Dowladdu ku lee dahay dalkaasi.

Waa markii ugu horeysay oo Kenya ay baahiso in Shabaabku ay damacsan yihiin weerar ballaaran, oo ay ku qaadaan Xarunta Baarlamaanka Kenya ee Magaalada Nairobi.