Falanqayn kooban; suxufi Cali Jaamac Maxamed
Hargesa-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto uu soo saaray habeenkii Sabtidu soo gelaysay ee toddobaadkan, taariikhduna ahayd 28 February 2015 waxa uu xil-ka-qaadis, magacaabis iyo isku-shaandhaynba ku sameeyey xukuumaddiisa, qaar ka mid ah hay’adaha dawladda ee madaxbannaan iyo Taliyayaal Ciidammada ka tirsan, isagoo dhawr ka mid ah golaha wasiirrada isu-beddelay sida Wasiirkii Maaliyadda Cadbicasiis Maxamed Samaale oo uu u beddelay Wasaaradda Waxbarashada, halka Wasiirkii Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan uu u wareejiyey Maaliyadda.
Haseyeeshee, wax ka yar 24 saacadood waqtigii wareegtada Madaxweyne Siilaanyo soo baxday, waxa si lama filaan ah u soo baxday in Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale diiday inuu aqbalo qabashada xilka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada oo loo beddelay, isagoo si cad warbaahinta uga sheegay in aannu marnaba qabanayn xilkaas oo aan laga talogelin, isla markaana aannu dib uga shaqayn doonin xukuumadda Axmed Siilaanyo.
Haddaba, go’aanka uu qaatay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale miyuu ku saxnaa mise wuu seegay marka la eego dariiqa uu u maray, siyaasad ama dublamaasiyad ahaan, miisaanka dooddiisa iyo erayada uu u adeegsaday?
Inkastoo jawaabaha su’aalahan iyo kuwo kale oo ka dhalan kara arrintaniba u baahan yihiin falanqayn dheer iyo in dhinacyo kala duwan wax laga eego, balse shakhsiyan aan si kooban isugu dayo siday iila muuqato:
Dariiqa Samaale u maray diidmada xilka cusub;
Abaarro 9:30 fiidnimo ee habeenkii Axaddu soo galaysay ayaa mar qudha dhegaha inta badan dadweynaha ay ku soo dhacday go’aanka Cabdicasiis Samaale ku qaadacay qabashada xilka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada ee Madaxweyne Siilaanyo u wareejiyey, kadib markii laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du si kooban u baahisay arrintaasi, iyadoo wixii intaas ka dambeeyeyna si buuxda looga bogtay warsiyo kale oo uu ka siiyey saxaafadda mowqifkiisa, isagoo nuxurka dooddiisu ahayd in aan laga talogelin xil-ka-wareejinta, isla markaana aannu Madaxweyne Siilaanyo tixgelin hawsha uu ku jiray ee shaqada Wasaaradda Maaliyadda iyo inay jiraan waxyaabo khaldan oo madaxweyuhu ogaan doono mustaqbalka sida uu hadalka u dhigay.
Siyaasad iyo dublamaasiyad ahaan toona umay habboonayn Cabdicasiis Samaale inuu dariiqa noocan oo kale ah u maro diidmada xil uu u igmaday Madaxweyne Siilaanyo oo uu ka dhexeeyey xidhiidh aad u dhaw iyo wadashaqayn ka soo bilaabantay tan iyo aasaaskii xisbiga KULMIYE oo ku beegnayd saddex iyo toban sanno ka hor. Hase ahaatee, waxa u qurux badnayd inuu raaco tallaabooyin kale oo ku salaysan siyaasadda dublamaasiyadeed oo uu culays iyo gorgortanba kula geli kari lahaa Madaxweyne Siilaanyo ka hor inta aannu farriin adag marin warbaahinta, taasoo u noqon lahayd bartilmaameedkiisa u dambaysa, waxaannu qorshihiisa kowaad ka dhigan lahaa inuu warqaddiisa is-casilaada ama ka tanaasulka uu u gudbiyo, si ay u suurtogasho in Samaale iyo Siilaanyo si foolka fool ah uga wadahadlaan tabashadiisa iyo waxa uu doonayo, kadibna keeni lahayd is-afgarad ama kala tag intaanay arrintu shacabka soo gaadhin.
Doodda Samaale ee la-tashi la’aanta iyo erayada uu adeegsaday;
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 90aad oo qeexaya awoodaha kala duwan ee madaxweynaha dalka, waxa faqradiisa 2aad tilmaamaysaa in magacaabista iyo xil-ka-wareejinta xubnaha golaha wasiirradu ka mid tahay awoodaha Madaxweynaha ee aan cidi la wadaagin.
Sidaasi darteed, ma muuqato wax ku khasbaya Madaxweynaha inuu la tashi la sameeyo xubnaha wsiirradiisa ee uu xilalka u kala wareejinayo sida uu ku dooday Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Samaale, inkastoo aanay wax ceeb ahi ku jirin wada-tashiga iyo war-gelintu, balse cidda keliya ee la odhan karo in la wargeliyo waa waajib waa marka qof cusub oo aan hore xil uga hayn dawladda la doonayo in xil loo magacaabo si loo hubiyo inuu haysto firaaqo uu ku gudan karo shaqada.
Waxa kaloo wax la iska waydiin karaa miisaanka siyaasadeed ee ay muujiyaan erayo uu u adeegsaday hadalkii uu warbaahinta siiyey sida, “Xilkaas maan aqbalin, mana aqbalayo, diyaarna uma ihi inaan xil dambe ka sii qabto xukuumadda uu madaxda ka yahayAxmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.” Weedhahan uu adeegsaday oo ah kuwo ka madhan habka dublamaasiyadda siyaasadda, waxa ka muuqda bisayl la’aan siyaasadeed oo haysata Mr. Samaale iyo inay wax badan u dhiman yihiin barashada iyo hirgelinta hab-dhaqanka siyaasadda danta joogtada ah leh ee aan saaxiibka joogtada ah lahayn.
Mar kale, Mr. Cabdicasiis waxa hadalkiisa ku jiray, “Waxaan arkayaa in wax hadda qarsooni jiraan oo soo bixi doona… waxa qalloocsamay ee qaldamayna waxaan filayaa inuu madaxweynuhu ogaan doono.”
Erayadan oo loo turjuntay inay jiraan waxyaabo aannu madaxweynuhu ogayn oo ka mid ah go’aamada ka soo baxa Madaxtooyada uu ka taliyo iyo inay cid kale qaatay tallaabadan khaladka ugu muuqata isaga, waxay ceeb ku yihiin Madaxweynaha Qaranka iyo hoggaamintiisaba, kuwaasoo weliba ka soo baxa afka masuulkii uu aaminay inuu xil u magacaabo, horena si wayn isugu dhawaa oo sir iyo caadba iska war hayey.
Guud ahaan, marka la soo ururiyo hadalka Wasiir Samaale iyo dariiqa uu maray waxa ka soo baxaysa inay jirto isla-hanwaynaan gayeysiisay inuu naftiisa ka aamino meeqaam ka sarreeya sifaha Madaxtooyadu ula dhaqantay inuu ka taagan yahay xukuumadda oo uu maankiisa ku hayey inuu ahaa lama taabtaan waxa uu doonayo mooyee wax kale lagula soo dhici karin iyo inay weli u dhiman tahay waayo-aragnimo badan oo ku wajahan xaaladaha siyaasadda iyo duruufaha looga dabbaasho.