Istanbul-(Berberanews)-Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Ergada ka socday dhinaca Soomaaliya ee ka qaybgalayey Shirka Istanbul xubin ka ah, una dhashay Somaliland, ayaa isagoo ku sugan magaaladaas Warbaahinta la hadlay, isla markaana si cad u sheegay in shirkaasi Burburay, kana socon waayey dhinaca Ergada ka socotay Somaliland.
“Shirkaasi wuu furmi waayey, waxaanu ka furmi waayey Weftiga dhinaca Somaliland ka socota oo dalbaday arrin aannu annaga iyo dawladda Turkiguba aad ula yaabnay oo ah in Weftigayaga Soomaaliya ka socda laga saaro Xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaannada Somaliland maamusho, taasina waa arrin dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladda Turkiguba aad ula yaabeen. Waxaanan caddaynayaa in dawladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay la hadlaan Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo BBC-da u warramay.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagaga hadlay arrintan, isla markaana lagu sheegay inaanay dhinacyada wadahadlaya ee Muqdisho iyo Hargeysa midna xaq u lahayn inuu dhinaca kale u yeedhiyo cidda ay tahay inay metesho. Waxaana qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews u dhignaa sidan:-
“Iyada oo laga amba qaadayo geeddi socodka wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaal ka ee Soomaaliya si looga dhabeeyo himilada shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laga shidaal qaadanayo heshiiskii ay Madaxweynayaha Jamhuriyadda Federaalka eeSoomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed siilaanyo, ay ku gaareen mag aalada Djibouti bishiiDisembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen {Odowaa,} ayna xubno kayihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo.
Wafdigaasi wuxuu damaanad buuxda u haystaa in uu ergada Somaliland kala xaajoodo arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah. Waxaa nasiib-darro ah in Wefdiga ka socda Walaalaheen Somaliland oo ku sugan Istanbul, isla Hoteelka uu shirku ka dhici lahaa uu ku guul-darreystay in uu soo fariisto madasha wadahadalka, isagaoo la soobaxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya meteli kara.
Laba dhinac oo wadahadlaya midkoodna xaq uma laha in uu midka kale u yeedhiyo cidda ay tahay in ay metesho. Arrintaasi waxay xad-gudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaadhay iyo hab-dhaqanka caalamiga ah ee wada-xaajoodka.
Weftiga Soomaaliya oo shirka la yimid niyad-wanaag Soomaalinnimo, wuxuu caddeynayaa in Ergada Somaliland ay keligeed mas’uul ka tahay in uu qabsoomi waayay shirkani. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo mar walba u taagan Midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta Shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool ah la isu soo hor-fadhiisto.
Weftiga Dawladda Federaalku wuxuu dib ugu laabanayaa Caasimadda Soomaaliya si uu wada-tash ula sameeyo Madaxda Qaranka iyo dhinacyada ay sida tooska ah u khuseeyaan wadahadalladani. Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay uga mahad-celineysaa Dawladda Turkiga Marti-gelinta labada Wefti iyo dhiirrigelinta wadahadalka labada dhinac.”
Geesta kale, dawladda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay diyaar u ahayn inay la hadasho Calooshooda-u-shaqaystayaal aan meteli Karin Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegtay inay yihiin Xubnaha u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliye ee Ergadan wadahadalka lagu soo daray oo ay ku tilmaantay dad u hadlaya dal aanay u dhalan ee ay Ajaanib iyo Qariib ku yihiin oo keliya ay ka shaqaystaan ama shaqaale ka yihiin.
“Waxaa wax lala yaabo ah ama lagu qoslo ah, halkii aynu ka sugaynay inay soo dirtaan dad ama Masuuliyiin wax u goyn kara oo ka soo jeeda dalkii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaystay inay soo dirtaan Dad ka soo jeeda Somaliland oo ku abtirsada dadka Bulshada Somaliland u taqaano dad sida umadda reer Somaliland ba dalalka caalamka ugu shaqo tagaan dad iyaguna dalka dariska aynu nahay ee Somalia u shaqo tagay.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.
Waxaanu Waran-cadde intaas ku sii daray oo yidhi; “Lagama eegayn, loogamana fadhiyin Soomaaliya inay tidhaahdo dad dalkeeda u shaqo tegay, ayaa na matalaya, arrintaasi wax la aqbali karo maaha, wax loo dulqaadan karana maaha, Somaliland-na diyaar uma aha inay hor fadhiisato dadkaasi aan odhan karo waa Calooshooda-u-shaqaysteyaal dal kale oo ay Magan ku yihiin u shaqo-tegay.” “Somaliland diyaar uma aha inay Calooshooda-u-shaqaystayaal aan meteli karin Soomaaliya hor-fadhiisata.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isagu Ergada Somaliland ee wadahadalka ka qaybgalaysay hoggaaminayey iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xubin ka ah Ergada Somaliland, ayaa iyagoo ku sugan Istanbul ka hadlay arrintan, waxaanay ku doodeen inay tahay qarbudaad iyo waxaan loo fadhiyin oo ay Somaliland iyo Soomaaliya hore isugu diideen in Ergada Soomaaliya ka socota lagu soo daro Xubno u dhashay Somaliland.
Afarta Xubnood ee aawadood shirku u furmi waayey ee Somaliland diidday inay hor-fadhiistaan ee ku jira Ergada Soomaaliya ka socota waxay kala yihiin: Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangeli, Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Siciid Qoorsheel iyo Mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi, kuwaasoo dhammaantood dhalasho ahaan ka soo jeedda deegaannada Somaliland.
Markii ugu horreysay ee ay wadahadladu u bilaabmayeen Somaliland iyo Soomaaliya sannadkii 2012-kii oo uu xilka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu Guddiga wadahadalka u metelaysay Federaalka uu ku soo daray Xubno dhasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse mabda’a midnimada Soomaaliweyn aamminsan, ayaa hakadyo iyo khilaafyo soo kala dhex-galeen habsami-u-socodka wadahadallada bilaabmi lahaa, waxaana muddo hadallo dhalliilo ah iyo diidmo Warbaahinta la isu marinayey oo ay Somaliland ku doodaysay inaanay wadahadal la furayn xubno deegaanandeeda u dhashay oo shaqo tegay, balse ay horfadhiisan karaan cid talada Soomaaliya wax ku leh.
Hase-yeeshee, markii dambe Madaxweynihii wakhtigaas ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa uu beddelay xubnihii ka soo jeeday Somaliland ee uu Guddiga wadahadallada ku dartay, sidaas darteed markii uu Xasan Sheekh Maxamuud xilka la wareegay oo la sii amba-qaaday wadahadallada socday oo sidoodii u sii socday. Balse, waa markii u horreysay ee Xasan Sheekh Maxamuud intii uu joogay xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland u diro wadahadalka, waxaanay tani sababtay inuu burburo oo uu furmi waayo shirkaas qorshaysnaa oo ay ahayd inuu 1-da bishan furmo, 2-da bishan March 2015 oo maanta ahna uu soo xidhmo.