Berberanews-Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka John Kerry iyo Wasiirka Arrimaha Debedda ee Iran Mohamad Javad Zarif ayaa markale kulmay maanta oo salaasa ah, waxaana labada masuul yeesheen kulankii ugu dambeeyey ee wadahadalo xidhiidh ah oo looga gol leeyahay in xal loogu helo heshiis laga gaadho arrintan hubka Nukliyeerka Iran.
Wadahadaladan oo ka dhacaya dalka Switzerland ayaa noqonaya markii labaad ee ay labada masuul kulmaan, waxaana dhinacyadani ka wada shaqaynayaan sidii loo xakamayn lahaa hawlaha Nukliyeerka Iran taas oo Iran bedelkeeda looga khafiifinayo cunaqabataynada saaran ee dhaawacay dhaqaalaha dalkooda.
Kulanka labada masuul ayaa la qorsheeyey inuu socdo illaa maalinta arbacada.