Madaxweyne Silaanyo oo masuulliyiin iyo Xafiis cusub magacaabay

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta soo saaray Magacaabista Masuuliyiin cusub iyo sidoo kale Xafiis cusub oo aan hore u jirin, kaasoo uu magacaabistiisa Qodobbo kala duwan u cuskaday, isla markaana dadka ka shaqan doona qaarkood uu magacaabay, qaarna Shuruudo lagu qaadan doono uu ku xidhay iyo kuwo hadhay oo uu sheegay inuu soo magacaabi doono gadaal.

Waxaa Sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Xambaarsan Digreetada uu Madaxweynuhu magacaabista Masuuliyiinta iyo aasaaska Xafiiska cusub ku magacaabay oo ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada, isla markaana uu ku saxeexnaa Xoghayaha Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir, waxaana qoraalka Warkan oo Nuqul ka mid ahi Galabta soo gaadhay Xafiiska Warararka ee Warbaahinta Aftahannews ee magaalada Hargeysa oo Xafiiskan iyo Xubnaha cusub-ba lagu faahfaahiyey u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed (Siilaanyo), wuxuu maanta aas-aasay xafiiska  Diwaangelinta Sekada, isla markaasina wuxuu u magaabay saddex Masuul oo noqon doona, Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada, Gudoomiye ku xigeen  iyo Agaasime guud.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 12aad, Faqradiisa 7aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:   Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay:   Qoraalka Talada Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta;

Wuxuu  Go’aamiyey:-

Xeerkan oo lagu aasaasayo Xafiiska Diiwaanka Sekada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobka 1-aad

Aasaasidda Xafiiska Diiwaanka Sekada:                                

Waxa halkan lagu aasaasay Xafiiska Diiwaanka Sekada oo yeelanaya qofnimo qaanuuneed, shaambad u gaar ah iyo astaan, isla markaana hoos tegaya Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Qodobka 2-aad

Mas’uuliyadda Xafiiska Diiwaana Sekada:

Xafiiska Diiwaanku wuxuu si toos ah uga mas’uul yahay in uu si wanaagsan u guto una maamulo xilkiisa iyada oo uu qaadayo talaabooyin lagu ilaalinayo sekada, isaga oo raacaya sharciga dalka.

Qodobka 3-aad:

Ujeeddooyinka Loo Aasaasay Xafiiska Diiwaanka Sekada:

Ujeeddada Xafiiska loo aasaasay waa:

  1. Dhaqan-gelinta waajibka Sekada.
  2. Faafinta iyo ku wacyi-gelinta dadka ahmiyadda sekada.
  3. Guddoomidda, uruurinta, qaybinta iyo maamulka sekada si loo xaqiijiyo is-kafaalo qaadashada iyo isu-naxariisashada dadka dhexdooda

Qodobka 4-aad

Xilka iyo Waajibaadka Xafiiska Diiwaanka Sekada

Xilka iyo Waajibaadka Xafiisku waa:

  1. Qaadashada iyo dejinta shuruudaha shaqaalaha sekada.
  2. Ka-guddoomidda qofka bixinaya sekada qadarka sekada ee ku waajibtay.
  3. Aqbalaada qiraalka saka-bixiyaha.
  4. Dhigidda sekada Xisaabta Xafiiska ee Baanka Dhexe ee Somaliland.
  5. U qaybinta sekada qaybaha shareecada islaamku u xaddiday, iyada oo masaakiinta iyo dadka saboolka ah (foqorada) la siinayo wax ay kaga-maarmaan sekada.

Qodobka 5-aad

Qaab-dhsimeedka Xafiiska Diiwaanka Sekada

Qaab-dhsimeedka Xafiisku wuxuu ka kooban-yahay:

  1. Guddida La-talinta
  2. Guddoomiye.
  3. Guddoomiye Ku-xigeen.
  4. Agaasimaha Guud.

Qodobka 6-aad

Guddida La-talinta

Guddidu waxay ka koob-naan doontaa:

  1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
  2. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
  3. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
  4. Laba xubnood oo Madaxweynuhu soo magacaabayo, oo noqon doona Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

               Qodobka 7-aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddida

Xilka iyo Waajibaadka Guddida waa ka talo-bixinta:

  1. Hagidda iyo maamulidda hawl-qabadka Xafiiska.
  2. Hubinta in hawlaha sekadu u fuleen si waafaqsan shareecada islaamka.
  3. Miisaaniyada xafiiska.
  4. Qorshaha fog iyo ka dhow ee xafiiska.
  5. Uruurinta iyo qaybinta sekada.
  6. Baahiyaha iyo arrimaha la soo gudboonaada xafiiska.
  7. Qorshaha shaqaale qorista ee Xafiiska Diiwaanka ee uu soo jeediyo Agaasimaha Xafiiska Diiwaanku.

Qodobka 8-aad

Shuruudaha Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka

Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiisku waa in:

  1. Uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka, da’diisuna aanay ka yarayn 35 sanno;
  2. Uu leeyahay khibrad maamul oo uu kaga soo shaqeeyey Hay’addaha Dawladda ama dhigooda, oo aan ka-yarayn 3 sanno.
  3. Aanuu kicin (musalifin) ama aanu caydhoobin.
  4. Shantii sanno ee u dambeysey Maxkamadi ku ridin xukun ciqaab ah.

Qodobka 9-aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka

Guddoomiyaha Xafiisku wuxuu u xil-saaran-yahay:

  1. Go’aaminta qaybinta Maalka sekada.
  2. Kobcinta iyo isku-duwidda xidhiidhka uu la leeyahay Xafiisku laamaha kale ee Dawladda.
  3. Matelaada iyo ku hadalka magaca Xafiiska Diiwaanka Sekada.
  4. Saxeexidda qoraallada rasmiga ah ee Xafiiska.
  5. Magacaabista guddi-hoosaadyo, Isku-dubaridka iyo daba-galka hawlaha guddi-hoosaadyada.
  6. Furidda lambar xisaabeedka Xafiiska.
  7. Daba-galka iyo hubinta in hawlaha Xafiiska Diiwaanku u fuleen si waafaqsan shareecada islaamka.

Qodobka 10-aad

Awoodaha Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka

Guddoomiyuhu si uu u gud-to xilkiisa wuxuu awood u leeyahay:

  1. Gelidda heshiisyada lagama-maarmaanka u ah xil gudashada Xafiiska.
  2. Go’aaminta qaybinta maalka sekada iyo sadaqooyinka si waafaqsan shareecada islaamka.
  3. Qaadista talaabooyinka lagu horumarinayo maamulka, soo ururinta iyo qaybinta sekada.
  4. Dejinta qorshayaasha Xafiiska.
  5. La-xisaabtanka iyo kormeeridda Agaasimaha Xafiiska iyo shaqaalaha Xafiiska Diiwaanka
  6. Ansixinta qorshaha shaqaale qorista ee Xafiiska Diiwaanka ee uu soo jeediyo Agaasimaha Xafiiska Diiwaanku.
  7. Hubinta in qorshayaasha Diiwaanku ay u fuleen sidii loo dejiyay.
  8. U yeedhista hanti-dhowrayaal maaliyadeed oo madax-bannaan iyo kuwa dawladdaba si ay baadhis xisaabeed ugu sameeyaan Xafiiska.

Qodobka 11-aad

Xilka, Waajibaadka iyo Awoodaha Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska

Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanku wuxuu u xil-saaran-yahay:

  1. In uu ka caawiyo Guddoomiyaha xil gudashadiisa.
  2. In uu qabto xilka uu u igmado.
  3. In marka uu maqan-yahay Guddoomiyuhu ama sababo ka baxsan awoodiisa u gudan-kari waayo xilkiisa, fuliyo xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha ee ku xusan Qodobka 9aad ee Xeerkan, isla markaana adeegsado awoodaha Guddoomiyaha ee ku xusan Qodobka 10aad ee isla Xeerkan.

Qodobka 12-aad

Shuruudaha Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada

Shuruudaha Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekadu waa in uu:

  1. Yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka.
  2. Da’diisuna aanay ka yarayn 25 sanno;
  3. Leeyahay khibrad maamul oo uu kaga soo shaqeeyey Hay’addaha Dawladda ama dhigooda, oo aan ka yarayn 3 sanno.
  4. Yahay ruux aan kicin (musalifin) ama aan caydhoobin.
  5. Shantii sanno ee u dambeysey Maxkamadi ku ridin xukun ciqaab ah.

Qodobka 13-aad

Xilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka

Xilka iyo waajibaadka Agaasimaha Guud waa:

  1. Diyaar-garaynta miisaaniyad sannadeedka.
  2. Hagidda, maamulidda iyo kor u qaadida tayada shaqaalaha Xafiiska Diiwaanka.
  3. Diyaarinta qorshaha qaab-dhismeed iyo shaqaalaynta kaas oo ay ku jirto cabirka mushaharka iyo qaabka shaqo qorista.
  4. Isu-dheelitirka miisaaniyadda iyo diyaar-garaynta xisaab-xidhada Xafiiska.
  5. Diyaar-garaynta qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee Xafiiska.

Qodobka 14-aad

           Maaliyadda Xafiiska Diiwaanka

Maaliyadda Xafiisku waxay ka imanaysaa ilahan soo socda:

  1. Sekada laga guddoomo ama laga soo ururiyo dadka ay ku waajibtey.
  2. Qadarka maaliyadeed ee looga qoondeeyo Miisaaniyadda Qaranka.
  3. Hibada iyo sadaqadaha aan shuruudda ku xidhnayn.

Qodobka 15-aad

Maaliyadda iyo Hab-Xisaabeedka Xafiiska Diiwaanka

Hab-Xisaabeedka Xafiisku waa in uu:

  1. Ahaado mid sax ah oo hufan islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashkuba taas oo ku salaysan hannaan xisaabeedka dalka.
  2. Xisaab-xidh saddex biloodle ah u gudbiyo Madaxweynaha iyada oo uu u soo marinayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Magacaabida Masuuliyiinta Xafiiska Diiwaanka Sekada JSL.

  1. In Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Sheekh Cawil Faatax Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Sheekh Ibraahin Axmed Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland..” sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalkan Aftahannews soo gaadhay ee galabta ama gelinkii dambe ee Sabtida maanta ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa.