Mali: Weerar lagu qaaday makhaayad lagu caweeyo oo lagu dilay shan ruux

 

Bamako –(Berberanews)-Ugu yaraan shan ruux, ayaa lagu dilay weerar qorsheysan oo saqdii dhexe ee xalay lagu qaaday maqaaxi lagu caweeyo oo ku taala Magaalada Bamako ee Xarunta Mali.

Xoogag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Ururada Islaamiga ah ee ka jira dalka Mali, ayaa si dhow loola xidhiidhinayaa weerarkaasi. Dadka la dilay waxaa ku jira saddex nin oo Wadamada Reer Galbeedka ka soo jeeda.

Mid ka mid ah waxaa la xaqiijiyay in dalka Faransiiska uu u dhashay, iyadoo labada kalana aan weli si rasmi ah loo xaqiijin dalalka ay u dhasheen.

Xoogaga weerarka geystay, ayaa ku qaylinayay (Allaahu Akbar), waxayna weerarka ka dib ka gurteen maqaaxida ku taala Xarunta Mali ee Bamako._81463547_laterrasse

Ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalka Mali oo ku baxay maqaaxidaasi, ayaa waxay ka sameeyeen hawlgal la xidhiidha kuwii weerarka geystay. Laba nin oo looga shaki qabo raggaasi, ayaa la sheegay in su’aalo la weydiinayo.

Francois Hollande, Madaxweynaha Faransiiska oo dhacdadaasi ka dib, ayaa si xoogan u cambaareeyay. Weerarkaasi waxaa lagu sheegay mid argagaxiso.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si buuxdo u sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.