Ururka Boko Haram, ayaa si buuxdo ugu dhawaaqay inay ku biireen xoogaga la baxay Dowladdda Khilaafada Islaamka, ka dib wada hadalo in muddo ahba u soconaayay.
Hogaamiyaha Urur Diimeedka Boko Haram Abubakar Shekau, ayaa daboolka ka qaaday in maanta ka dib ka mid yihiin Dowladda Khilaafada Islaamka, isla-markaana ay awaamiirteeda ku shaqeynayaan.
Fariin maqal ah oo uu Hogaamiyuhu soo duubay, ayuu si buuxdo ugu sheegay in Boko Haram u hogaasami doonto Daacish.
Boko Haram waa Ururkii ugu horeeyay oo Galbeedka Afrika ka dagaalama oo si cad u shaaciya, inay ka mid noqdeen Khilaafada Islaamka.
Falalka guracan ee Boko Haram ka wado dalka Nigeria, ayaa baqdin xoog leh ku beeray wadamada ku yaala Afrikada Galbeed. Ficilada ay geysanayaan waxaa lagu sheegay kuwo aad u foolxun.