Hargaysa(Berberanews):-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade Ayaa Waxaa Uu Maanta Xilalkii Ku Wareejiyey Wasiir Ku Xigeenadii Cusubaa Ee Dhawaan Madaxweyne Siilanyo U Soo Magacaabay Wasaaradaasi ..
Munaasibadan Oo Ka Dhacday Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Maagalada Hargaysa Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ,Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Amniga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha ,Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Gobalada Iyo Degmooyinka Iyo Masuulyiintii Hore Xilalkaasi U Haysay ,Taliyaasha Ciidamada Bada Iyo Asuulbta,Iyo Laanta Socdaalka ,Maayarka Magaalada Hargaysa ,Badhisaabad Gobalada Dalka Qarkood Shaqaalaha Wasaaradaasi Iyo Waliba Marti Sharaf Kale
Ugu Horeyna Waxaa Madashaasi Ka Hadlay Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi Waxaana Uu Yidhi “Waxaanu Leenahay Marka Hore Soo Dhawaada Labadiina Wasiirba Kuna Soo Dhawaada Wasaaradii Arimaha Gudaha Ee Somaliland Marka Labaadna Waxaan U Mahad Naqayaa Wasiirka Wasaradan Cali Maxamed Waran Cade Agaasimihi Guud Iyo Waliba Shaqalihii Oo Aan Uga Mahad Celinayo Sidii Wacaneed Ee Ay Ilaa Soo Shaqeeyen Mudadii Aan Xilka Hayey Waxanan Aan Ku Dar Daarayaa Shaqalaha In Ay Labadan Wasiir Ee Cusub Ay Ula Shaqeyaan Sidii Anaga Nugula Shaqeenayeen Iyo Waliba Si Ka Sii Wanagsan.
Waxaana Weeye Wasaarada Arimaha Guduhu Waa Wasaarad Aad U Baladhan Oo Ay Hoos Yimadaan Dhawr Iyo Sideetan Degmo Oo A,B C,D Intaba Leh “ Ayuu Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaraada Aminigu Cali Maxamed Cilmi .
Sidoo Kale Isna Waxaa Dhinciisa Ka Hadlay Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Gobalada Iyo Degmooyinka Cismaan Garaad Soofe Waxaana Uu Yidhi “Waxaanu Soo Wada Shaqeynay Saddex Wasiir Oo Wasiir Waran Cade Ugu Danbeeyo Iminka Hadii Aan Faalo Yar Ka Bixiyo Waxaa Ugu Horeeyey Oo Aanu Soo Wada Shaqeynay Wasiir Dr.Mahamed Cabdi Gaboose Waxaa Uu Wakhti Iyo Waayo U Helay In Meeshan Quruxda Badan Ee Aynu Fadhino Ee Banan Suurto Gal Nimadeda In Dhulka Intaas Leeg Loo Helo Wasaarada Oo Wasaarada Markii Aanu Nimid Anagu Waxaa Ay Aheyd Mid Cidhiidhi Ah Dr Gaboose Ayaa Waxaa Uu Markaasi Ku Guleystay In Uu Dhulkan Baladhan Iyo Lacata Lagu Dhisay Gurigan Quruxda Badan, Sidoo Kale Waxaa Isna Ku Xigay Wasiir Duur Waxaa Uu Ku Guleystay Dhagax Dhiga Gurigan Quruxda Badan Iyo Deyrka Iyo Waliba Masajidka Oo Ay Noo Dhistay Haayad Khari Ahi Intaas Ka Dib Waxaa Wasaarada Noogu Imid Saxiibkay In Badana Aanu So Wada Shaqeynay Cali Maxamed Waran Cadey Runtii Meeshani Waxaa Ay Aheyd Meel Wada Xashiish Ah Waxana Uu Cali Yidhi Ilaa Ay Meeshu Noqto Meel Murayad Oo Qofki Marayaa Iska Dhex Arko Ayuu Yidhi Runtii Meeshana Waxaa Uuku Guleystay Cali In Meesha Nadaafadeeda Qurxiyo.
Wasaarada Wax Badan Baa U Qabsoomay Run Ahaanti Marka Dhincayo Badan Laga Eegana Wax Yaabo Badan Baa U Hadhsan Oo Ma Odhan Karno Waa La Dhameeyey Wax Kastabaa Waxaana Ay U Baahan Tahay In Halkaa Ay Taagan Tahay Laga Sii Dhaqaajiyo Labada Wasiir Ku Xigeen Ee Cusubna Waxaan Leeyahay Ku Soo Dhawaaa Shaqada “ Ayuu Yidhi Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Gobalada Iyo Degmooyinka Cismaan Garaad Soofe .
Waxaa Iyagna Dhinacooda Kalmado Kooban Ka Yidhi Wasiir Ku Xigeenada Cusub Ee Xilalka Waaaradasi La Wareegay Ugu Horena Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Aminiga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Cabdi Daahir Camuud Waxana Uu Yidhi “ Waxaan Leeyahay Wasiir Ku Xigeenadaas Hore Ee Aad Amaanteen Ilahay Ha Ku Asturo Xilkaa Kale Ee Loo Dhiibay Mudane Cali Waran Cade Waligii Iyo Alahiiba Meesha Uu Jooga Waa Ay Dhalayaa Malaa Ilaa 40 Sanadood Baanu Is Naqaanoo Kolba Meeshii Ugu Wanagasan Ayuun Buu Taganaa Waanan Ku Hanbalyeynayaa Wasiiir Sidoo Kale Wasiir Waran Cade Waa Nin Nabadeed” Ayuu Yidhi Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Wasaarada Amniga Ee Wasaarada Arimaha Guduhu Cabdi Daahir Camuud
Sido Kale Waxaa Isna Dhiniciisa Kalmado Koobanka Yidhi Wasiir Ku Xigeenka Wasaraadaasi Ee Gobalada Iyo Degmooyinka Waxaana Uu Yidhi “Maanta Iyo Malintii Aanu Xilka Kala Wareeganay Xukuumadii Udub Waxaa U Dhexaaya Xaga Wax Qabadka Wax Weyn Umana Baahana In Tv Yo Laga Sheego Ishu Waa Maclim Arigtida Ayaa Runtii Ka Qiimo Badan Qofkii Maanta Arkaana Waa Uu Qirayaa Waxanan Tusaale Ahaan Idiin Sheegayaa Markii Aan Soo Galay Xafiiska Wasaaradan Waxaan Moodaayey Xafiiskii Madaxweynaha Insha Allehna Hadii Aanu Nahay Masuulyiinta Cusub Ee Xilka La Wareegaya Waxaa Aanu Ku Dadaali Doona In Aanu Buuxino Oo Aanu Dhameys Tirno Meelaha Hadhsan Waxanan Leeyahay Wasiir Ku Xigeenabada La Badelay Ilahay Shaqadiina Ha Idiin Fududeeyo Anagana Ha Nagu Asturo” Ayuu Yidhi Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Degmooyinka Iyo Gobalada Somaliland Mudane ….
Ugu Danbeetii Waxaa Madasha Ka Yidhi Isla Markaana Xilaalki Si Rasmi Ah Ugu Wareejiyey Wasiir Ku Xigeenada Cusub Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade Waxaana U Aad Ugu Mahad Naqay Wasiir Ku Xigeenadii Hore Sidii Wacneed Ee Ay U Soo Wada Shaqeeyen Dhinca Kalana Waxaa U Wasaarada Ku Soo Dhaweeyey Wasiir Ku Xigeenada Cusub Ee Loo Soo Magaacabay Waxaana Uu Yidhi Wasiir Cali Maxamed Waran Cade “Runtii Waan U Mahad Naqayaa Labadii Wasiir Ku Xigeen Ee Hore Oo Aan Odhan Karo Waxaa Ay Ahaayeen Niman Hawl Kar Ah Oo Shaqo Yaqaan Ah Qofka Bani Aadamka Ah Waxaa Laga Qiimayaa Hadii Uu Leeyahay Hanan Waxaana Ay Aheeyn Qaar Aad Qaali Uga Ahaa Shaqada Wasaarada Waxaan Leeyahay Oo Aan Ilaahay Uga Baryayaa Ilaahay Halkan Waa Uu Ku Guuleyey In Uu Ilahay Meelahaas Kale Ee Loo Badelayana Ilahay Ku Asturo .
Waxaa Kale Oo Jecelahay In Aanu Soo Dhaweeyo Wasiiradan Cusub Ee Loo Soo Magaacabay Wasaaradan Waxaana Aan Leeyahay Ku Soo Dhawaada Wasaarada Arimaha Gudaha “ Ayuu Yidhi Wasiirka Ariamha Guduhu Cali Maxamed Waran Cade .
Berberanews.com