Hargeysa (Berberanews)- Murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku eedeeyey xukuumadda KULMIYE in aanay daacad ka ahayn qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Mr. Jamaal, ayaa qoraal uu soo saaray shalay, waxa uu ku sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ay xilligan marayso halkii ugu hoosaysay, waannu ku dooday in xukuumaddu ku fashilantahay wadahadalka Soomaaliya, ilaa haddana hurguri kaga jiro wadahadalkaas.
“Dawladdan weli hunguri baa kaga jira wadahadalada Soomaaliya, waadna aragteen falalka uu ku kacay madaxweynahii Soomaaliya. Anigu shaqsi ahaan waxaan rumaysnahay in aanay xukuumadeennu daacad ka aheyn qaddiyadda Somaliland; runtiina aaney dooneyn in Somaliland-ba iyaga ka dambeyso, taasi daliilkeedana waxa ah inay yidhaahdeen markay KULMIYE xukunka qabsadeen inay beddeleen siyaasaddii arrimaha dibadda, ilaa immikana inooma ay sheegin waxay ku beddeleen oo shantii sanno ee xukunka joogeena innagu wareeriyeen wadahadallo iska ah maaweelada carruurta iyo weliba masuuliyiin kolba kala hadlaya oo nidaam dawladeed oo wasiir walba ka jawaabayo siyaasadda arrimaha dibadda. Arrinkan imminka ay yidhaahdeen waannu hakinnay wadahalladii Somaliland iyo Soomaaliya waa ciyaar siyaasadeed ay indhaha iskga jeedinayaan dhibaatooyinka dul hoganaya oo la doonayo in indhaha shacabka loogu jeediyo waddaninimo. Waar ma nimanka iyagoon ogeyn ajendaha shirka iyo cidda imanaysa iska tegay Turkiga ee shaqadoodu ahayd inay hawlahaasi bil ka hor intaan shirka la isugu iman ka shaqeeyaan baynu ka dhegaysannaa oo weliba jidadka magaaladd loo xidhaa oo la soo dhaweeyaa? Iyaguun baa isa soo dhaweeyey si ay ugu qariyaan fashilaaddii halkaas ka soo gaadhay, laakiin shacabka wada indhaha ah ee Somaliland ayey u taal arrintaasi oo ilaashanaya qaddiyaddooda. Ilaahay Somaliland ha barakeeyo,” ayuu yidhi mrrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID.
Dhinaca kale, waxa uu naqdiyey waraysi uu Safiirka Somaliland ee magaalada Nairobi siiyey idaacadda VOA-da maalintii Jimcaha ee toddobaadkan, “Waxaa jirtay inuu wareysi bixiyey Wakiilka Somaliland u fadhiya magaaladda Nairobi ee dalka Kenya safiir Maxamuud Jaamac (Sifir) oo uu siiyey idaacadda VOA Somali oo weliba wareysigaasi aan haddana ka akhristay wargeyska Geeska Africa ee ka soo baxa magaaladda Hargeysa. Inta aanan wareysiga gelin; mudane Maxamuud Jaamac Sifir waa shaqsi aan in badan aqaannay ilaa markuu dalka Marayekanka, gaar ahaan magaalada New York uga shaqaynayey Qarammada Midoobay; ee aniguna degannaa magaalada Boston ee carriga Maraykanka sagaashamaadka horraantiisii. Kadibna waxaannu isugu nimi dalka Kenya oo aan aniguna sannadkii 2003kii u guuray oo ka shaqaynayey; halku uu isaguna ka mid ahaa dadkii ka shaqeynayey shirkii Soomaalida, markii dambena Ra’iisal-wasaare-ku-xigeen iyo wasiirba ka noqday dawladdii Cabdillaahi Yussuf. Waa nin mutacallin ah oo in badan ka shaqeeynayey Qarammada Midoobey, oo aanu marmarna ku kaftami jirnay Nairobi anigoo difaacaya qaddiyadda Somaliland oo uu isagu ka soo horjeeday xilligaas, inkastoo kadib uu is beddelay la yidhi. Waa nin hawl-gab ka soo noqday shaqadaasi Qarammada Midoobay. Intaannu siyaasadda Soomaaliya madaxa la gelin wuxuu ka soo mid noqday xisbiga KULMIYE isagoo Somaliland joogay oo doorashadii u horreysay ee Daahir Riyaalle ku guuleystayna sannadkii 2003, xilligaasoo uu maroora-dillaacii la tegay Soomaaliya.
Haddaba, waatii intii KULMIYE qabsaday talada dalka la yidhi qaddiyaddii Soomaali-weyn wuu ka soo noqday oo ay dawladeennu safiir uga dhigatay meel halbowle u ah qaddiyadda Somaliland. Waxa haddaba aad ii soo jiitay oo aan liqi kari waayey wareysigaasi uu siiyey VOA-da ee lagu weydiiyey su’aasha ah: Sababta uu u beddelay mowqifkiisii Soomaali-weyn; waxaannu kaga jawaabay ereyadan; “Soomaaliya ayaan ka qeybgalay mar, wax badanna iskamay kay beddelin, ee Somaliland waxa aannu isku qabannay oo aan ka diiday mar walba waxa ay diideen wadahadallada, markaa imminkana wadahadalladii ayey ogollaadeen, mar haddii ay wadahadalladii oggolaadeenna waxa aan ku diiddanaa meesha wey ka baxeen”! Bal idinku hadalkaas macneeya; hadda waa ninkii dhammaa ee safiirka ahaa ee qaddiyadda Somaliland iyo ictiraafka inuu inoo keeno ay ahayd. Ma waxa qudha ee uu inoola joogaa Soomaaliya ayeynu la hadlaynaa? Far weyn baa ku godan hadalkaas iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ee shacabka lagu wareerinayo.
Marka ay ka hadlayaan wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay si toos ah mar walba warbaahinta ugu sheegaan dawladda Soomaaliya in midnimadii Soomaaliya ay wadaan, halka aannu Somaliland mawqidkeedu caddeyn; runtiina 9 jeer oo ay kulmeen ay ku soo afmeerantay niyad-jab iyo halkii aynu joognay markuu madaxweyne Daahir Riyaale xilka ku wareejiyey oo ay maanta qaddiyadeennii ka hooseyso,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.