Berbera-(Al-jazeera/Berberanews)-Warbixin lagu baahiyey telefishanka Al-jazeera, qaybtiisa qaaradda Ameerika (Al-jazeera America), ayaa lagaga hadlay faa’iidooyinka dhaqaalaha ee Somaliland ka heli karto ilaha dalxiiska iyo sidoo kale caqabaha hortaagan in la soo jiito dalxiisayaal caalami ah.
Warbixinta waxa lagu xaqiijiyey inay jiraan calaamado caaalami ah, aadna u yar oo muujinaya in lagu garto jiritaanka Somaliland, iyagoo inta badan dadweynaha adduunku aanay kala saaraan, isla markaana kala aqoon dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.
“Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ahaa dal ku dhawaaqay inuu yahay qaran madaxbannaan sannadkii 1991-kii, ilaa xilligaasna si madaxbannaan u maamulaan dalkooda, waxayna dadka reer Somaliland si aan la yaab ahayn kuugu sheegayaan inay si xor ah u maamulaan waddankooda, si guul ahna loo dhisay in qarankoodu noqdo waddan shaqeeya oo dimoqraadig ah, kana soo doogay burburka dagaalladii sokeeye,” ayey tidhi warbixintan oo wargeyska Jamhuuriya u turjumay luuqadda Soomaaliga.
“Maanta waxa abuurmaya khayraad dhinaca dalxiiska ah oo ku salaysan xeebaha badda (beaches), goobaha dhaqanka ee taariikhiga ah, kuwaasoo suurtogelin kara, muujinayana macno ahaan inay beddeli karaan aragtida guud ee bulshada caalamku ka haystaan Somaliland, taasoo sidoo kale kobcinaysa ilo dhaqaale oo fududayn kara ku-tiirsanaanta dhaqalaaha ee xoolaha nool, laakiin cidna kuma fikiri karto in arrintaasi si degdeg ah u iman karto.”
Safiirka Somaliland ee Itoobiya Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, ayaa weriyaha Al-jazeera ee diyaariyey warbixintan u sheegay in dalka Somaliland si iskii ah wax u qabsaday, una gaadhay horumar, “Waxa arrimuhu u muuqdaan in marka aad wax walba u qabsato si xasillooni ah, naftaadana aad ku caawinayso, markaa ma jirto cid ku danaysa. Somaliland waxa ay hadda shaqaynaysay ilaa 24 sanno, waxaanuna leenahay goobo badan oo la booqan karo, loona dalxiis tegi karo, kuwaas oo ay ku jirto xeebta dalkayaga oo dhererkeedu dhan yahay 850km ama 528 mayl,” ayuu yidhi Ambassador Ayaanle.
Waxa kaloo safiirku tilmaamay in dalxiiseyaal badan booqdaan Somaliland, isagoo suxufiga warbixinta qoray tusay araaji dalxiiseyaal 50 qof gaadhayaa ku codsanayaan fiisaha dal-ku-galka Somaliland oo ay ku jiraan muwaaddiniin u dhashay Maraykanka iyo dalalka Yurub, kuwaasoo xiiso u qaba inay dalxiis ahaan u tagaan Somaliland.
Sidoo kale, waxa warbixinta lagu sheegay inay jiraan dalxiisayaal badan oo yimaad Somaliland oo aan si rasmi ah loo hayn tiro-koobkooda, balse ilaa 300 dalxiise tageen Somaliland sannadkii 2014, halka ay sidoo kale jiraan ilaa 1,300 qof oo u badan qurba-joogga Somaliland ay dalxiis ahaan ku tageen dalkooda sannadkaas.
“Waxa Somaliland haysataa, kuna faani kartaa qaar ka mid ah aataarta qaddiimiga ah ee ugu faca weyn adduunka oo ay ku jiraan farshaxanka ku yaal dhagaxaanta degaanka Laas-geel, kaas oo muujinaya hab-dhaqanka faca weyn ee reer-guuraanimada isu beddeshay xoolo-dhaqato iyo beeralayda. Waxa kaloo jira waxyaabaha qaddiimiga ah ee magaalada Saylac oo uu ka mid yahay burburka masjidka Qiblatayn oo leh laba qiblo oo midkood tahay dhinaca Makkah ee woqooyiga iyo ta kale oo ah dhinaca Qudus oo galbeedka ah,” ayaa lagu yidhi warbixintaas.
Warbixinta telefishanka Al-jazeera America waxa kaloo lagu soo qaatay daraasad qiimayn hordhac ah (feasibility study) oo lagu sameeyey in dalxiiska goobaha qaddiimiga ah ee Somaliland noqon karaan koboca joogtada ah ee dhaqaalaha, taasoo la sameeyey sannadkii 2014.
“Waxa aannu gebagebaynay daraasad qiimayn hordhac ah oo lagu ogaaday in goobaha taariikhiga ah ee qaddiimiga yihiin hantida ugu weyn ee kaydka u ah Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Georgina Jamieson oo ka socday hay’adda la-talinta adeegyada dalxiiska ee la yidhaa Dunira Startegy oo samaysay daraasadda qiimaynta hordhaca ah ee goobaha qaddiimiga ah ee Somaliland.
Hay’adda, ayaa sidoo kale tilmaantay inay jiraan fursado aad u yar oo xilligan soo jiidan kara dalxiisayaasha dhinaca xeebaha Somaliland, “Aad ayey u yartahay in la helo dalxiisayaal danaynaya dhinaca goobaha xeebaha ah, waayo waxa aan jirin waxyaabaha kaabayaasha dhaqaalaha (sida waddooyinka iyo dhismayaasha) oo ay tahay in si aad ah wax looga qabto degaannada xeebaha, intastoo ay haddana dhinaca quruxda qayb ka yihiin, laakiin weli si fiican looma taaban in la horumariyo dalxiiska dhinaca xeebaha (beach tourism).”
Geesta kale, sida warbixinta lagu sheegay waxa jira caqabado kale oo hortaagan in horumar laga gaadho dalxiiska xeebaha Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhismayaal burbursan iyo kharaabado u dhow biyaha badda ee Berbera, isla markaana weheliyaan nadaafad-darro sababta ur qudhmuun oo ka jirta biyaha badda u dhow goobaha dhismayaasha ah.
Waxa kaloo caqabad lagu sheegay in ku dhaqanka shareecadda islaamku aanay suurtogal ahayn in dalxiiseyaal dalalka reer galbeedka ka socdaa tagaan Somaliland, maadaama aanay diinta islaamku oggolayn in dumarku muujiyaan jidhkooda, khamrina la cabbo.
Sida lagu sheegay warbixinta, horumarka dhinaca dalxiiska ee Somaliland, waxa caqabad ku ah tallooyinka dhinaca socdaalka ee dalalka reer galbeedku siiyaan muwaaddiniintooda, kuwaasoo sababo dhinaca ammaanka aan dadkooda u ogolayn inay u dalxiisaan qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika oo Somaliland ku jirto.
Xubno ay ka mid yihiin Agaasimaha Ururka Dhaqanka ee Hargeysa, Jaamac Muuse Jaamac, Mr. Maxamed Cabdirisaaq oo masuul ka ah xarunta dalxiiska ee Safari Travel Tour, Yoonis Cali Nuur iyo Raaqiya Oomaar oo ah guddoomiyaha Mac-hadka Horizon ee caasimadda Somaliland, ayaa sheegay in dalxiisku noqon karo ilo-dhaqaale oo qayb ka qaata horumarka dalka, shaqo-abuurna u noqon kara da’yarta dalka.
Hase ahaatee, dadka taageera dalxiiska Somaliland ayaa rumaysan, isla markaana ku canaantay xukuumaddu in aanay wax ku filan ka qaban horumarinta goobaha dalxiiska ee dalka, “Inkastoo ay jiraan duruufo hortaagan awoodaha dawladda ee fulinta arrintaas oo ka mid yihiin dhinaca dhaqaalaha oo liicliicaya, taageero caalami ah oo ayna helin Somaliland iyo sidoo kale macaamil aanay la lahayn hay’adaha lacagaha adduunka, taaso aqoonsi la’aantu ku noqotay caqabad weyn oo aan la dhaafi karin,” ayaa lagu yidhi warbixinta telefishanka Al-jazeera ka diyaariyey dalkiiska Somaliland.