Isbahaysiga Mucaaridka iyo Madasha oo Silaanyo baaq u diray

Hargeysa(Berberanews)-Isbahaysiga Mucaaradka (Waddani,Ucid iyo Madasha wadatashiga), ayaa soo saaray qodobo ay kaga talo bixinayaan waxa uga qorshaysan dib u dhaca doorashada Somaliland ku yimid, kadib go’aankii Guddida doorashadu ku sheegtay inay bisha July bilaabi doonaan diwaangalinta codbixiyeyaasha. Kulan ay ku yeesheen Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa saddexda dhinac saxaafadda ugu soo bandhigeen qodobo u badan baaq oo ku wajahan Qorshahooda dib u dhaca doorashada.nuxurtay

Musharax ku xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa saxaafadda u akhriyay Qodobada waxaanay u dhignaayeen sidan:-

  1. Muddo dhaafku waa Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada labadaba, sidaas darteedna isbahaysiga Mucaaradku wuxuu ku baaqayaa in Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo hogaanka u qabto Shir wada tashi ah, oo lagaga arrinsado hogaanka dalka gaadhsiin lahaa muddo xileedka u dhexeeya 26-06-2015 ilaa maalinta doorashadu dhacayso. Isbahaysiguna waxa uu ugu baaqayaa Shacbiga Gobolada iyo degmooyinka inay u midoobaan qabsoomida shirka qaran kana hor tagaan caqabad kasta oo ka hor iman karta;

 

  1. Maadaama aan lagu kalsoonaan karrin ciddii fashilisay in doorasho inoo qabsoonto, Isbahaysigu wuxuu caddaynayaa in Haddii uu Mudane Siilaanyo diido Shirka wada tashiga, waxay Isbahaysigu ku dhawaaqayaan Shirka kala tashiga oo dhici doona bisha April ee 2015-ka.

 

  1. Isbahaysiga Mucaaradku waxay uga digayaan golaha guurtida inay sameeyaan Muddo kordhin xaaraan ah oo aan la aqbali doonin, oo keeni karta dhibaato iyo fawdo dalkan la galiyo;

 

  1. Isbahaysiga Mucaaradku waxay Komishanka doorashada ka dalbanayaan inay si dhakhso ah u soo gudbiyaan Jadwal dhamays tiran oo ay ku caddahay wakhtiga doorashadu;

 

  1. Isbahaysiga Mucaaradku wuxuu uga digayaa Xukumadda inay samayso Abaabul aan loo baahnayn oo aan waxba inna tari Karin, sida ka qorshaysan khamiista ee loogu talo galay in jawaab lagaga bixiyo mawqifka Mucaaradka, haddii taas laga waantoobi waayo waxaa khasab noqonaysa in Mucaaradkuna shacabka ugu baaqo inay u soo baxaan Shaaricyada dalka.
  2. Sikastaba ahaatee hadalka Mucaaridka Somaliland iyo Madasha wadatashiga ayaa imanaaya wakhti ay shalay koomishanka Doorashooyinku ku dhawaaqeen xiliga ay bilaabayaan diwaan galinta Codbixiyeyaasha iyada oo ay horana u fashilmay shir wada tashi oo ay ku baaqeen Odayaasha ku midoobay madasha wada tashiga oo hada ku biirtay xisbiyada mucaaridka ah, balse waxa laga dhur sugaaba waa jawaabta iyo mawqiska Xukuumada Somaliland ka qaadato.