Khasaaraha ka dhashay Bambo-gacmeed lagu weerary caawa Taliyaha Nabad-suga Shabeelada dhexe

Jowhar-(Berberanews)-Qarax khasaaro geystay, ayaa caawa ka dhacay xaafada Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar, gaar ahaan wadada Geelow Jaaw, waxaana qaraxaasi ku dhaawacantay saddex qof oo haween ah.

Gaadhi uu la socday Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Shabeellaha Dhexe C/weli Ibraahim Maxamed, ayaa waxaa lagu weeraay qarax loo adeegsaday bombada gacanta laga tuuro.

Bambada oo aanay waxyeelo ka soo gaadhin gaadhigii uu Taliyuhu la socday, ayaa waxay ilaaladiisii furtay rasaas xoogan, oo aan ilaa hadda la caddayn khasaaraha ay geysatay, xilliga oo habeen ah awadeed.

Hal nin oo la aaminsan yahay in bambada uu tuuray, ayaa cagaha wax ka deyay, lagumana guuleysan in gacanta lagu soo dhigo.

Ciidamada Nabad Suggida, ayaa laba toddobaad ka hor hawlgal ballaadhan ka sameeyay xaafada Hanti-wadaag, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xubno Shabaabka ka tirsan, ay ku soo dhuunteen.

Berberanews.com, Jowhar

info@berberanews.com