Xogyahe cusub oo loo magacaabay Dawladda Hoose ee Hargeysa

Hargeysa(Berberanews):- Ibraahin Axmed Raabbi ayuu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde maanta u magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa, waxaanu Maayerka magaalada ku amray inuu xilka u kala wareejiyo Xoghayaha cusub iyo Xoghayihii hore ee dawladda hoose oo Madaxweynuhu xil u magacaabay dhawaan.

XOGHAYAHA-CUSUB-EE-LOO-MAGACAABAY-DAWLADDA-HOOSE-EE-HARGEYSA-300x276

Qoraal uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde caawa soo saaray oo uu ku socodsiiyey Masuulka la magacaabay iyo Maayerka Caasimadda, isla markaana ogeysiin ka siiyey Madaxweynaha, Wasiir Ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee arrimaha gudaha, Agaasimaha guud ee arrimaha gudaha iyo Waaxyaha ay khusayso ee dawladda hoose iyo arrimaha gudaha, ayaa nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com.

Waxaanu Qoraalka Wasiir Waran-cadde magacaabista ku sameeyey u qornaa sidatan:- “Waxaan idinla socodsiinayaa in Ibraahim Axmed Raabi Liibaan loo soo magacaabay Xoghayaha fulinta Dawlada Hoose laga bilaabo taariikhda maanta oo ah 10/3/2015.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka waxa la farayaa inuu xilka u kala wareejiyo Xoghayah Cusub ee loo soo magacaabay iyo Xoghayihii hore ee Dawlada Hoose,isla markaana waxa la farayaa xoghaya Cusub in uu xilka loo soo magacaabay si hufan u guto.”

Sidaa ayuu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ku yidhi qoraalka uu ku magacaabay Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Hargeysa, ka dib markii uu dhawaan Xoghayhii hore Mawliid Waris Cabdillaahi Madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wershadaha Somaliland.