Baydhabo-(Berberanews)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa waxaa lagu soo bandhigay meydadka saddex ka mid ah Xoogagii Shabaabka ka tirsanaa, ee maanta weeraray Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.
Dagaal-yahanada Shabaabka, ayaa barqanimadii maanta damcay inay gudaha u galaan Madaxtooyada, xilli uu ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaase ka hortagey Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Amisom.
Meydadka la soo bandhigay, ayaa sidoo kale lala soo bandhigay hubkii ay wateen, xilli ay xirnayen labiska Ciidamada Dowladda Somaliya, ee weli ka hawlgala Magaalada Baydhabo.
Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed C/fataax Maxamed Ibraahim (Geesey), ayaa sheegay in raggaasi ay soo xirteen tuutaha Ciidamada Militariga Somaliya, hadafkooduna uu ahaa inay galaan Madaxtooyada, balse laga hortagey.
Wasiirka, ayaa sheegay in la dilay tiro ka mid ah Shabaabkii weerarka soo qaaday, isagoo tiro kalana sheegay in gacanta lagu haayo, laguna wado in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo.
C/fataax Maxamed Ibraahim, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay laba ka mid ah Ciidanka Militariga ee Ilaalada Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.
Wasiirka waxa kaloo uu sheegay in aanu weerarkaasi waxyeelo ka soo gaarin Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayna xaaladiisu tahay mid wanaagsan, sida uu yiri.
Laba ruux oo rayid ah, ayaa la ogyahay in weerarkaasi ku dhaawacantay, waxaana dhaawacyadoodu la dhigay goobaha caafimaadka ee Magaalada Baydhabo
Berberanews.com