Waa maxay sababta Degmada Berbera u noqotay mid golayaasheeda deegaanku uga fiicanyihiin golayaasha dalka ee kale

Qalinkii C/casiis Maxamed Maydhax

Hargeysa-(Berberanews)-Magaalada Berbera waxay ka mid tahay degmooyinka halbawlaha u ah dhaqaalaha dalka soo galla.

Berbera, waxa ku dhaqan bulsho kala duwan oo u badan ganacsato isugu jirta deegaanka degmada berbera iyo ganacsatada kale ee gobolada dalka ee badeecadaha kala soo dega dekeda berbera sidoo waa marsada dhoofka xoolaha somaliland

sidoo kale waa magaalo hoy u ah dhamaanba ganacsatada reer somalialnd maadaama ay joogto  ugu xidhanyihiin dekeda.

dawladaha hoose ee dalku waxay qabtaan hawlo muhiim ah oo u badan arimaha bulshada.

waxaanay shacabka ku dhaqan dalku ay uga fadhiyaan horumarinta baahiyahaasi dawladaha hoose ee dalka.Maayarka Berbera oo ka warbixiyay safar ay ku tegeen waddanka Findland-Daawo

laga soo bilaabo 2002dii waxa dalku u gudbay inay shacabku soo doortaan golayaal deegaan oo ka hawlgasha horumarinta adeegyada aasaasiga u ah arimaha bulshada. oo shacabku codkooda ku soo doorteen

DEGMADA BERBERA

degmada berbera xiligaa waxa u soo baxay gole deegaan oo ka dhexmuuqday golayaashii kale ee dalka intiisa kale laga soo doortay waxaanay mudadii  ay xilka hayeen gaadhsiiyeen degmada berbera horumar dhinac walba leh oo shacabku ay raali ka noqdeen

GOLAHA DEEGAANKA EE MAANTA

golayaashii deegaanka ee dooroshadii ugu dambaysay ee  badalay golayaashii hore waxay markale degmada berbera noqotay inay soo saarto gole aad u qiima badan oo doortay gudoomiye iyo kuxigeen ku haboon hawsha shaqo ee looga fadhiyey

maayar cabdi shakuur maxamuud cidin oo xubnaha golaha deegaanku u doorteen maayar degmada berbera iyo xoghaye suhayb maxamed cali oo laga soo magacaabo wasaarada arimaha guduhu waxay noqdeen masuuliyiin ku shaqeeya kalsoonida xubnaha golaha deegaanka ee berbera iyo rabitaanka shacabka degmada berbera

akhriste ha u arkin maqaalkan mid ujeedo ka dambayso. waa aragtidayda inta iiga muuqata dhamaan golayaasha deegaanka ee dalka oo qaarkood ay si dhab ah ugu fashilmeen hanashada golihii deegaanka ee ay ka mid ahaayeen iyo shacabkii soo doortayba. oo maqaalo dambe aynu ku falanqayn doono balse aan u soo noqdo degmadii berberba iyo markhaatiga aan u hayo waxqabadka iyo gudashada xilka loo igmaday

qashinku waa waxyaabaha ugu badan ee magaalooyinka dalkeenna ragaadiyey ee hoos u dhigay bilicdii iyo quruxdii

waxaana  sabab u ah ma jiaan qorshe iyo siyaasad lagu hago ilaalinta qashin iyo bilicda magaalooyinka dalka marka laga reebo degmada berbera oo ah magaalada ugu nadaafada iyo bilicdaba badan.

maaamulka maanta ka jira degmada berbera waxay kor u sii qaadeen nadaafada iyo la dagaalanka qashinka maadaama berbera ay tahay magaalo xaqa qashinka ka soo baxaa uu aad uga badan yahay dalka intiisa kale, beriga bada iyo bulshaduba waxay joogto u soo saaraan qashin xad dhaaf, waxaana tusaale inoogu filan magaalada berbera markaad dhexmarto kuma arkaysid qashin sida kartoon bac iyo daasad oo ah waxyaabaha ugu badan ee lagu arko dhamaan magaalooyinka kale ee dalka,shaqo wanaaga masuuliyiinta dawlada hoose ee berbera waxa xaqiinjinaya waxay heegan u yihiin inay joogto u qaadaan wixii qashin ah ee ka soo baxa badeecadaha ka soo degaya dekeda iyo digada xoolaha ka dhoofa marsadaha berbera oo ay isugu tagaan dhamaan xoolaha ka laga keeno dalka intiisa kale,

waxa intaa u dheer horumarinta adeegyadii kale ee bulshadu  u baahnayd oo barbar socda, sanadkan bilowga ah ee 2015ka waxay maayar c/shakuur maxamuud cidin iyo xoghaye suhayb maxamed cali ku dhawaaqeen qorshahooda shqo ee sanadkan,

 

la soco qaybaha dambe

qalinkii c.casiis maxamed maydhax