Afganistan: Haweenay keligeed ku shaqaysata Dirawalnimo iyo Awoodeeda Wax-soo-saar

Qubane-(Berberanews)-Haweenay kaliya oo xirfadda kaxaynta baabuurta tagaasida kaga shaqaysata dalka Afganistan oo la yidhaa Sara Bahai, ayaa sheegtay in ay aad u jeceshahay shaqadeeda, lana siman tahay ragga darawlada kale, uguna baaqday in ay dumarku shaqaystaan.

Waxayna sheegtay in ay xasuusato markii ugu horraysay ee ay babuur kaxaysto oo ku beegnayd sannadkii 2001 oo xulafada Maraykanku awoodda Afganistan ka qaaday Taalibaan.

“Waxa aan dareemay sidii oo aan cirka maraayo, run ahaantii waan jeclaystay kaxaynta baabuurka, meel aan ka noqdana ma taagni,” ayey tidhi Sara.

40 jirkan oo aan waligeed guursan waxay ka mid tahay haween Afganistan ku nool oo cuqdad ka qaba in ay guursadaan, aadna u jecel in ay ragga ka barbar shaqaystaan, tusaana in haweenku awood badan leeyihiin.haweenay

Sababaha ay u guursan wayday waxa ay ku tilmaantay in ay u shaqayso waalidkeed iyo carruur ay walaalo yihiin, kana cabsanayso inuu ninka ay guursata ka hor istaago shaqadeeda, balse waxa ay korsatay laba wiil oo hadda dugsiyada sare ku jira.

Sidoo kale, Taliban oo dilay nin walaasheed qabay waxa ay kafaalo qaaday walaasheed iyo toddoba carruur ah oo ay eedo u tahay, haddana waxa ay quudisaa daraasiin qof.

“Waxa hanjabaad iiga timaada dad aanan garanayn oo ii sheega in aanan caasimada baabuurta ku kaxay, sababtoo ah gabadhnimadayda iyo in shareecada ay ka so ohorjeedo, qaar baa ii sheega haddii aan shaqada darawalnimada tagsiga sii wado in ay I dili doonaan. Waxa kale oo inta badan iga hinaasa ragga darawalada ah oo i aflagaadeeya, laakiin wax dan ah kama lihi waxay ii malaynayeen, kama cabsanaayo, waxaanan xirfadayda wax kaga beddeli doonaa qaranka,” ayey tidhi Sara oo dhibaatada shaqadeeda ka soo wajahda ka hadlaysay.

Haweenaydan waxa ay laysanka darawalnimada qaadatay 2002, halka ay haysato shahaado degree oo ay ka qaadatay culuumta macallinimada, halka ay hadda haween badan barto darawalnimada.