Arday Reer Somalilnd ah oo Guulo ka soo Hooyey Jaamacadda Kampala

Kampala (Berberanews)- Arday reer Somaliland ah oo dhammaystay waxbarashada heerka labaad ee loo yaqaanno Master, ayaa kaalmaha hore ka galay dufcaddii 12aad ee ka qallin-jebiya Jaamacadda Kampala ee dalka Uganda.

Munaasibad loo sameeyey qallin-jabinta ardaydaas oo ku qabsoontay xarunta Jaamacadda Kampala shalay, kana qaybgaleen masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Uganda, madaxda jaamacaddaas, siyaasiyiin iyo ganacsato caan ka ah dalkaas, ayaa lagaga dhawaaqay ardayda ugu sarreeyey oo ay ku jiraan arday reer Somaliland ah oo ku jiray dufcadda qallin-jebinta loo qabtay.ard1 ard2 timthumb

Ardaydan oo muddo laba sanno ah baranayay cilmiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda, ayaa waxbarashadooda oo ay ka wadeen Jaamacadda Kampala waxa fududeeyey oo ay u soo maraysay Jaamacadda Hope ee Somaliland. Lix arday oo ka mid ahaa kuwa xafladda qallin-jebinta kaga qaybgalay magaalada Kampala, ayaa afar ka mid ah la guddoonsiiyay shahaado sharaf lagu maamuusay kaalinta ay ka galeen waxbarashada.

Masuuliyiinta xafladda ka hadlay, ayaa sheegay inay madasha ku sugan yihiin arday ka socota Somaliland oo ka mid ah kuwa qallin-jebinaya, kuwaas oo kala ah; Ardayda ka

Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo)

Barkhad Maxamuud Kaariye

Hibaaq Ibraahim Gammuute

Farduus Siciid Dirir

Maariya Cabdillaahi Gahayr

Cabdirisaaq Cabdillaahi Aadan.

Hase ahaatee, munaasibadda oo socotay ilaa fiidnimadii ayaa ardayda la guddoonsiiyay shahaado-sharafyo lagu maamuusayay kaalintii ay ka galeen waxbarashada ay dhammeeyeen waxay tiradoodu tahay afar.