Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabis, Xilka-qaadis & isku-beddel ku sameeyey Xukuumaddiisa

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa soo saaray Digreeto uu Magacaabis iyo xil-ka-qaadis ku sameeyey. Madaxweynuhu waxa uu magacaabay Wasiirro cusub, waxa uu xilka ka qaaday Agaasimayaal, kuwa cusub ayuu magacaabay, sidoo kale, Wasiiru-dawlayaal cusub ayuu magacaabay.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa 11-10 Daqiiqo ee Caawa oo Xambaarsanaa Digreetada uu Madaxweynuhu magacaabista iyo xil-ka-qaadista ku sameeyey oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews waxa uu u qornaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3082/032015, uu ku magacaabay  saddex wasiir, laba wasiiru-dawle, agaasime guud, Gudoomiyaha banka dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka hawd iyo Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha, isla markaasina xilalkii ay qaranka u hayeen  kaga qaaday saddex masuul oo kale.

Madaxweynuhu:-  Markuu Arkay Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;  Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

 Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada Wasaaraddaha Warshadaha, Waxbarashada, Beeraha, iyo Wasiiru-dawlayaasha Wasaaraddaha Macdanta iyo Tamarta, iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 Markuu ku Qancay:   In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday:

 1 In Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, (Bedel) hore wasiirkii Wasaaradda beeraha.

2 In Mudane, Shucayb Maxamed Muuse, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3 In Mudane, Maxamed Aw Daahir Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4 In Mudane, Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5 In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6 In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

7 In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

8 In Mudane, Cismaan Cabdilaahi Hirad, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

9 In Mudane, Warsame Faarax Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeedo:          Xil ka-qaadis:

Ku:     Mudane, Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL   

Ku:     Mudane, Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Hawd ee JSL

Ku:     Dr. Cismaan Xuseen Warsame,  Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka      .                

Mudaneyaal, Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hawd iyo Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi aad hayseen Masuuliyiinta kor ku xusan ee aan xilalkaa iyaga ah u magacaabay. ALLAA MAHAD LEH.”