Hargeysa(Berberanews):- Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay mawqifkeeda ku aaddan in arrimaha dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda iyo Golaha Wakiillada wada-tashi kala sameeyaan labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.
Isbahaysiga mucaaridka ee ay samaysteen labada xisbi ee UCID, WADDANI iyo siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga, ayaa qoraal ay soo saareen 12 March ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo inuu qabto shir wada-tashi qaran ah oo lagaga arrinsado hoggaan dalka gaadhsiin kara doorashooyin xor iyo xalaal ah, kuwaasoo muujiyey mowqif ah in aanay oggolayn wax muddo-kordhin ah oo loo sameeyo xukuumadda KULMIYE, isla markaana ku hanjabay in la kala tashan doono haddii xukuumaddu diiddo wada-tashi guud.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici) oo xog-warran kooban siiyey weriye Cali Jaamac Maxamed oo Jamhuuriya ka tirsan, ayaa caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin sidii ay xisbiyada mucaaridka ah wada-tashi uga yeelan lahaayeen arrimaha doorashooyinka iyo muddo-kordhinta la filayo in loo saameeyo xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.
Su’aalaha Jamhuuriya weydiiyey Madaxweyne-ku-xigeenka iyo jawaabaha uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:
Jamhuuriya: Mucaaridku waxay ku baaqeen in wada-tashi laga yeesho arrimaha doorashooyinka, arrintaas sideed u aragtaan?
Saylici: Mucaaridka mar walba wada-tashigu wuu noo furan yahay, wax aannu kala cararaynaana ma jirto, sababtoo ah dano ayaa naga dhexeeya oo waa dhinacyada ay khusayso doorashooyinku.
Jamhuuriya: Ma jiraa wax talo-soo-jeedin kulan wada-tashi ah oo aad ku diiddeen mucaaridka iyo in aad la kulantaanba?
Saylici: Ma jiraan wax dalab ah oo ay noola yimaaddeen xisbiyada mucaaridku.
Jamhuuriya: Idinku ma u fidinaysaan dalab la xidhiidha kulan wada-tashi xisbiyada mucaaridka?
Saylici: Dabcan, wax mushkilad ah kuma jirto in aannu wada-hadalno xisbiyada mucaaridka.
Jamhuuriya: Ma doonaysaan in talo midaysan laga yeesho muddo-kordhinta, maadaama ay muuqato in doorashooyinku dib u dhacaan si talo loo dhan yahay la iskula qaato?
Saylici: Wixii talo ah diyaar yaannu u nahay in aannu markasta ka wadahadalno xisbiyada mucaaridka, kana wada-tashano (muddo-kordhinta).
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa xog-waraysigiisan kooban ku caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaar ula yihiin xisbiyada mucaaridka ee WADDANI iyo UCID in wada-tashi laga yeesho arrimaha doorashooyinka iyo muddo-kordhinta la filayo in loo sameeyo xukuumadda KULMIYE iyo Golaha Wakiillada.
Xigasho: Jamhuuriyamedia.net.