Hargeysa (Berberanews)- Maamulaha madaarka Hargeysa Mr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa ku wareejiyey wasaaradda Degaanka Somaliland laba shimbirood oo lagu qabtay qof sifo sharci-darro ah u dhoofinayey.
Xaflad kooban oo lagu qabtay madaarka Hargeysa maanta, lagulana kala wareegay shimbiraha la qabtay, waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Md. Axmed Maxamed Nuur, Agaasimaha Waaxda Duur-joogta ee wasaaradda, maamulaha madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa iyo xubno kale.
Maamulaha garoonka diyaaradaha Hargeysa Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in labada shimbirood lagu qabtay qof rakaab ah oo doonayey inuu si kootarabaan ah looga dhoofinayey madaarka.
“Waxa aannu Wasaarada Deegaanka ku wareejinayaa laba shimbirood oo aannu ku qabanay madaarka caasimada, iyadoo la doonayey in sifo sharci-darro ah looga dhoofiyo dalka. In aannu shimbirahaas qabano waxa ay ka dambaysay anagoo fulinayna digreetadii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wareegtadii Wasiirka Deegaaanku ku socodsiiyey inaan madaarrada, dekadaha iyo goobaha xuduudaha Somaliland laga dhoofin Karin duur-joogta waddankeenna, taasina ay tahay mid mabnuuc ah in lala dhoofo, anaga oo siyaasadaas fulinaya ayaanu madaarka ku qabanay qof dhoofayey oo sitay laba shimbirood oo uu doonayey inuu dalka kala dhoofo. Shimbirahan waanu qabanay, maantana waxaannu ku wareejinay Wasaarada Qaranka ugu masuulka ahayd arrimaha deegaanka iyo duur-joogta,” ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Degaanka Somaliland Md. Axmed Maxamed Nuur, ayaa maamulka madaarka Hargeysa iyo Wasaaradda Duulista ku ammaanay dedaalka ay ugu jiraan la-dagaalanka dhoofinta sharci-darrada ah ee duur-joogta dalka, waxaannu yidhi; “Waxaannu la wareegaynaa wixii dalku lahaa oo ammaankooda Wasaaradda Duulistu si fiican u sugtay, taasoo aannu uga mahadcelinayno qabashada shimbirahaas quruxda badan oo la rabay in meelo kale la geeyo, qabashadaasna waxaa keentay horumarka uu gaadhay madaarku ee uu hormoodka ka yahay wasiirka Duulista iyo dhammaan maamulkiisa hoose iyo shaqaalahiisa hawl-karka ah oo si weyn uga shaqeeyay, taasoo saamaxday in la qabto shimbirahaas, iyadoo arrintaasina yaraynayso shinbirihii iyo duur-joogtii faraha badneyd ee la tahriibinayey oo meel walba laga tahriibinayo.”
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Degaanka, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo, dagaalna lala galo dadka sifaha sharci-darrada ah u dhoofiya ugaadha iyo duur-joogta Somaliland, isagoo si gaar ah farriin ugu diray masuuliyiinta ka hawlgala madaarrada, dekeddaha iyo xaduudaha laga gudbo.
“Dhammaan waxaan u sheegayaa dekedaha iyo meelaha madaarada ah in aad aad isaga ilaalisaan, kana feejignaataan in ugaadh sharci-darro aha la dhoofiyo, waana in aad ilaalisaan khayraadka dalku leeyahay iyo nimcada Ilaahay ku abuuray ee uu dal walba siiyo oo ay tahay Jamahuuriyadda Somaliland meelaha aadka ugu quruxda badan ee xayawaanka qaaliga ah laga helo oo ay ku nool yihiin in la ilaaliyo oo shacabka iyo dawladuba ay ilaaliyaan,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.
Waxa kaloo Md. Axmed Maxamed Nuur ammaanay waxqabadka iyo bilicda horumarka ah ee lagu sameeyey madaarka Hargeysa, waxaannu yidhi; “Waxaanu joognaa madaarka Hargeysa oo ay iigu dambaysay xili hore, waxaa iiga muuqda isbeddel weyn, dalkana waxaa laga daawadaa madaarrada, dekedaha, waddooyinka, saddexdaba dawladdu wax weyn ayey ka qabatay horumarkeeda, waxaanan u mahadnaqayaa Wasaaradda Duulista, mucaaridka waxaan leeyahay Ilaahay (SWT) indhihiina khayr ha tuso, aMmaanka waad aragtaan, madaarka quruxdiisa waad aragtaan, waddooyinka la samaynayo waad aragtaan, waa in aad sheegtaan wixii la qabtay, wixii xuna dhaliishaan.”