Pakistan-(Berberanews)-Dowladda Pakistan, ayaa maanta fulisay xukun dil ah oo horey ay Maxkamaddi ugu riday 10 nin, oo ku xidhnaa jeelweyn oo dalkaasi ku yaala
Xukunka dilka oo daldalaad ahaa, ayaa xukunka ka dib waxaa meydadka lagu qaaday gaadiidka gurmadka deg-degga ah, iyadoona ay Dowladdu aas u sameysay.
Dadka xukunka lagu fuliyay, ayaa waxaa ku jira xubno lala xidhiidhinayo argagaxisada, kuwaa oo laamaha ammaanka Pakistan, ay gacanta ku soo dhigeen.
Xukuumadda Pakistan, ayaa billo ka hor fasaxday in la fuliyo xukunada dilka ah dadka xabsiyadeeda ugu jira. Tan iyo markii xeerkaas la fasaxay, ayay Dowladda Pakistan xukun daldalaad ah ku fulisay 27 ruux.
Waa tiradii ugu badnaa oo markeliya ay Pakistan dil ku fuliso maxaabiista ku jira xabsiyada dalkaasi, ee dil sugga-aasha ah.