Gabiley-(Berberanews)-Golaha deegaanka Gabiley, ayaa doortay maayar cusub maanta kadib markii Maayarkii hore dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasiirka Warshadaha Somaliland.
Fadhi mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley yeeshay maanta, kana qaybgaleen 18 xildhibaan oo ka mid ah 21 mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxa cod aqlabiyad ah maayar loogu doortay Xildhibaan Maxamed Cumar Cabdi (Maxamed-Amiin).
Doorashada maayarka cusub oo cod gacan-taag ah loo qaaday ayaan cidi kula tartamin Maayarka cusub, taasi oo ka dhigan in guud ahaan xildhibaannadii fadhiga ka qaybgalay codkooda siiyeen, manay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona.
Maayarka cusub Md. Maxamed-amiin, ayaa laga soo doortay xisbiga mucaaradka ah ee UCID, waxaanna lagu tilmaamay nin dhallinyaro ah oo ku sifoobay karti iyo daacadnimo inta ilaa hadda laga yaqaan.
Fadhiga Golaha Degaanka ee lagu doortay Maayarka waxa ka qaybgalay Badhasaabka Gobolka Gabiley iyo Wasiir-ku-xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Daakhiliga, kuwaas oo hambalyeeyey maayarka cusub, kuna ammaanay xildhibaannada sida quruxda badan ee ay iskaga dhex dorteen maayarka cusub.