Wasiirka cusub ee Maaliyadda oo ku baaqday in si masuuliyad ku jirto loo ilaaliyo dakhliga dawladda

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa masuuliyiinta ka hawlaga kastammada iyo goobaha dakhli-ururinta ugu baaqday inay si masuuliyad ku jirto u ilaaliyaan cashuuraha ay qabtaan.

Wasiir Samsam oo kormeer ku martay goobaha dakhli-ururinta ee magaalada Berbera shalay, ayaa kula dardaaran tahay masuuliyiinta inay sida ugu wanaagsan u kobciyaan dakhliga ay ururiyaan oo ay xustay inuu yahay mid muwaaddiniinta wax loogu qabanayo.

“Dakhliga aad qabanaysaan waa ka qofka buka looga iibiyo xabbadda yar ee kiniinka la siinayo iyo ilmaha yar ee dugsiga waxbarasho dhiganaya iyo dadkaas dhibaataysan waa kii wax loogu qaban lahaa, markaa in aynu ilaalinno oo sida ugu wanaagsan u kordhinno waa mid loo baahan yahay,” ayey tidhi.Wasiirka-Maaliyadda-300x169

Waxa kaloo ay ku baaqday in la tashiilo, lexejeclana loo yeesho qalabka xafiisyada dawladdu ku shaqeeyaan si loo koobo dhaqaalaha ku baxa, “Waddankeennu imminka waxa uu leeyahay caddaw badan, runtiina waa in aynnu isku tashanno oo wexeenna hagaajinno oo warqada yar ay qiimo yeelato, lana ilaaliyo qalabka xafiiska (stationary) oo wax kastaba u yeelanayo lexejelo.”

Wasiirka cusub ee Maaliyadda, ayaa sidoo kale tilmaantay in dakhliga dawladda ee lagu aaminay yahay ammaano ummaddu leedahay oo u baahan in la ilaaliyo, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha kastammada ka codsaday inay si naxariisle ula dhaqmaan ddka cashuur-bixiyeyaasha ah.

“Horta waxan aynmu haynaa waa ammaano, waxana leh ummadda, waanan ku farxay marka aad sheegteen in aad hagaajiseen adeega macmiisha loo fidiyo, waayo waxa dalku ku dhismay ee ku socdo waa baayac-musharka, runtiina laga soo bilaabo sannadkii 1991-kii ilaa hadda wax walba waxa dhisayey baayac-mushtari (ganacsato) oo iyagu ha noqdaan cashuur-bixiyeyaal, laakiinse waa in loola dhaqmo si aan cunfi lahayn oo hagaagsan, xidhiidhkoodana sii kobcinaysa, markaas ayey shaqaduna hagaagaysaa, marka dambena waxa loo imanayaa dakhliga aad qabanaysaan iyo sida loo cashuurayo,” ayey tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

Waa markii u horreysay ee wasiirka cusub oo xilka la wareegtay 7 March 2015 kormeer ugu baxdo magaalada Berbera oo ay ku taal dekedda hawlbawle u ah dhaqaalaha dalka.

Xigasho Jamhuuriya