Masuuliyiinta Guddida Xasuuqa oo ay wehelinayeen khubaro ka socda urur la yidhaa EPAF (Peruvian Forensic Anthropology Team) oo ka jira dalka Peru, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafka, Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Gabiley, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka, xubno ka mid ah ehelada dadkii la xasuuqay iyo masuuliyiin kale, ayaa booqday degaanka Laag-barako oo ku yaal dhinaca woqooyi-galbeed ee magaalada Gabiley, halkaasoo ay ku yaallaan laba xabaal-wadareedyo lagu aasay dad badan oo la xasuuqay.
Khabiirka hoggaaminaya kooxda baadhitaanka ku haya xabaalo-wadareedyada Somaliland Mr. Franco Mora, una dhashay dalka Peru ee qaaradda Koonfurta Ameerika oo goobtaas ka hadlay, ayaa sheegay in dalka Somaliland yahay waddankii labaad ee ugu horreeyey qaaradda Afrika oo baadhitaan ku sameeya xasuuq dhacay.
“Waxaannu ku faraxsanahay inaannu hawshan halkan ka wadno, waanuna idinla wadi doonaa, anigoo u mahadcelinaya dawladda Somaliland oo noqotay waddankii labaad ama dalkii ugu horreeyey Afrika, marka laga reebo dalka Koonfur Afrika oo oggolaata in baadhitaan lagu sameeyo xasuuq ku dhacay muwaaddiniintooda,” ayuu yidhi khabiirka hoggaaminaya kooxda ka socda ururka EPAF.
Waxa kaloo uu caddeeyey in baadhista ay ku hayaan xabaal-wadareedyada Somaliland ay sababi karaan in dadka ka dambeeyey xasuuqaas la saaro maxkamado caalami ah, waxaannu yidhi; “Waxa aannu ku faraxsanahay in hawshan baadhista ee aannu wadno noqoto mid caddaysa xasuuqa ku dhacay dadka, isla markaana maxkamad lagu horgeeyo dadka dambiileyaasha ee sameeyey xasuuqa ka muuqda xabaalo-wadareedyada ku yaal meelo badan oo Somaliland ah.”
Kooxda khubarada ee baadhitaanka wada, ayaa haysta qalab casri ah oo lagu baadho qolfoofka xabaalo-wadareedyada, kuwaasoo sidoo kale adeegsanaya diyaarad yar oo gacanta laga hagayey oo sawirro guud ka qaadday goobaha la tuhusan yahay in lagu aasay dadka la xasuuqay.
Guddoomiyaha Guddida Xasuuqa Somaliland Md. Khadar Axmed Like, ayaa sheegay in dib loo qodayo xabaalo-wareedyo lagu aasay dad lagu xasuuqay Gabilay sannadkii 1987-kii, kadibna dib loogu aasi doono si waafaqsan shareecada islaamka marka lagu sameeyo baadhitaanka, lagana qaado xogaha lagu ogaanayo in xasuuq dhacay.
Waxa kaloo uu sheegay inuu masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID ku martiqaaday goobta xabaalo-wadareedku ku yaallaan, balse aanay cid axsaabta ka tirsan ka xaadirin.
“Waxa aynnu isugu nimi in aan furno laba xabaalo-wadareed oo lagu aasay dad muwaaddiniin aan waxba galabsan oo lagu eedaynayo nin gacan-ku-dhiigle ah oo la yidhaa Tuke, kaasoo taliye ciidan ka ahaa xilligaas degaanka Gabilay. Runtii maanta waxaannu ku marti-qaadnay masuuliyiin badan oo ka mid yihiin asxaabta qaranka runtii iima muuqdaan mushkilad ma laha, waxaanan aad ugu mahadcelinayaa khubaradan bilaashka innoogu adeegaya oo uu hoggaaminayo khabiir la yidhaa Franco Mora oo uu ka soo shaqeeyey inay Somaliland yimaaddaan muwaaddinka Cabdicasiis Maxamed Iid,” ayuu yidhi Md. Like.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafka, ayaa goobtaas ka sheegay in aanay diinta islaamku oggolayn in dad rayid ah lagula kaco xasuuq baahsan, isla markaana xaaraan tahay in qof loo dilo si badheedh ah, isagoo xasuuqii Somaliland ka dhacay ku tilmaamay dambi culus oo if iyo aakhiraba lagala xisaabtami doono cidda geystay, waxaannu dambi-dhaaf iyo naxariis u weydiiyey Ilaahay dadkaas la xasuuqay ee ku jira xabaalo-wadareedyada kala duwan ee gobollada dalka.
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka Somaliland marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur oo xustay inay aad uga xun tahay xasuuqa dadka aan waxba galabsan ee reer Somaliland oo ahaa mid aad u fool-xun, waxayna u mahadnaqday khubarada caalamiga ah ee ku hawlan baadhitaanka xabaalo-wadareedyada Somaliland.
Waxa kaloo ay caddaysay in aannu Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranku ka hadhi doonin dadka sameeyey xasuuqaas ilaa la taago maxkamad caalami ah, iyadoo sidoo kale cambaaraysay falkaas foosha xun ee lagu xasuuqay dadka ku dhaqan Gobolka Gabilay sannadkii 1987 iyo guud ahaanba xasuuqa baahsan ee laga sameeyey dhammaanba gobolada iyo degmooyinka Somaliland muddadii u dhexaysay sannadihii 1984 ilaa 1990-kii.
Muwaaddin la yidhaah Cabdicasiis Maxamed Ii doo ka mid ah dadka ehelkooda la xasuuqay oo goobta xabbaalo-wadareedyadu ku jiraan ka hadlay, ayaa sheegay in geeri la joogo markastoo dib loo qodo, loona soo saaro qolfoodka dadkii la xasuuqay, isagoo xusay in laga shaqeeyo sidii caddaallada loo horgayn lahaa gacan-ku-dhiiglayaasha xasuuqa u gaystay dadka reer Somaliland.
“Geeri ayaa la joogaa, inkastoo dadkan la xasuuqay beri hore, haddana waa mid aan la iloobi karin, waxaannu taaganahay in caddaallada ka horgeeyo cid kastoo qayb ku lahayd xasuuqa ku dhacay ummadda Somaliland, laguna caddeeyo gacan-ku-dhiigleyaasha xasuuqan geystay,” ayuu yidhi Mr. Cabdicasiis Maxamed Iid.
Waxa uu intaas ku daray, “Waxa la yaab leh in ninka gacan-ku-dhiiglaha ah ee la yidhaah Tuke uu qaxooti ahaan isaga dhiibay dalka Canada ee woqooyiga Ameerika, waana laga soo mustaafuriyey markii dambe, waxaannu imminka joogaa waddanka Maraykanka oo dacwad ayaa ku furan. Arrinta kale ee ka sii daran waxa weeye in ninkaas xasuuqa gaystay ay xaaskiisii sheegatay inay ka mid ahayd dadkii ehelkooda lagu xasuuqay Gabilay, waxayna qaxooti ahaan isaga dhiibtay Maraykanka oo ay been ku joogto, iyadoo dawladda Soomaaliya qortay warqad ay ku difaacayso gacan-ku-dhiigle Tuke oo kaga soo horjeeddo in la maxkamadeeyo.”
Muwaaddin kale oo la yidhaa Axmed Aw Muuse Nadiif, ayaa isna sheegay in waaalkii ka mid ahaa dadkii lagu xasuuqay Gabilay, isagoo xaqiijiyey inuu dadkaas ku jiray walaalkii la marxuum Cabdi Aw Muuse Nadiif oo nolosha lagu gubay.
“Wallaalkay marxuum Cabdi Aw Muuse inta la qabtay, ayaa nolosha lagu gubay, waana ninka sawirkiisa la hayo ee muujinaya in gacan-ku-dhiigle Tuke nolosha ku gubayo, iyadoo markii la gubay ee diirkii sare ka qaadmay haddana ay dabkii ka bakhtiiyeen si ay u silciyaan, waxayna markii dambe ku dileen xabbad nool inta ay saareen maxkamad been ah,” ayuu yidhi Axmed Aw Muuse oo wejigiisa laga dareemayey murugo sida foosha xun ee lagu dilay walaalkii, isagoo ku baaqay in aan sinaba loo dhaafin dadka xasuuqaas gaystay, lana saaro maxkamad caalami ah.
Xoghayaha Degmada Agabar ee Gobolka Gabiley Mr. Koosaar Xaaji Cismaan Cabdi oo walaalkii ku jiray dadka lagu xasuuqay degaannadaas sannadkii 1987-kii, ayaa isna sheegay in dadka la xasuuqay ahaayeen rayid aan wax dambi ah galabsan, balse loo laayey in raadka mujaahidiintii SNM maray goobaha ay deganaayeen.
Waxa uu tilmaamay in lix qof oo walaalkii ku jiro laga qabtay degmada Agabar goob keliya lagu wada xasuuqay, kana mid yihiin dadka ku jira xabaalo-wadareedka dooxa Laag-barako ee magaalada Gabilay, halkaasoo sidoo kale ay ku aasan yihiin 12 ruux oo sidan oo kale loo laayey, maydkoodana inta lagu qaaday iska-rogo lagu wada riday god qudha.
Kooxda ka socda ururka la yidhaa EPAF (Peruvian Forensic Anthropology Team) waa khabiirro aqoon u leh habka loo ururiyo, loona baadho macluumaadka ku jira xabaalo-wadareedyada ama qalfoodka dadka la dilo si loo caddeeyo in xasuuq dhacay, kadibna caddaymahaas loogu adeegsan karo maxkamadaha sharciga ee caalamka, sidaa darteed macluumaadka ay ka qaadaan goobaha xabaalo-wadareedka Somaliland waxay horseedi kartaa in masuuliyiinta iyo saraakiishii ciidanka ee taliskii Siyaad Barre lagu maxkamadeeyo xasuuqa ka dhacay Somaliland.
Waxa kaloo kooxdan khabbiirada ah hore baadhitaanno uga sameeyeen xabaalo-wadareedyo ku yaal magaalada Hargeysa, kuwaasoo dib loo qoday, lana soo saaray qolfoodka ku jiray, kadib markii macluumaad laga qaadayna inta kafan lagu xidhay dib loo aasay, laguna tukaday saaladda janaasadda, maadaama markii hore loo aasay si ka baxsan islaamnimada.
Xigasho Jamhuuriya