Wasiirka Khaarajiga Kenya oo sharraxday waxyaabaha ay iska kaashan karaan Somaliland

Nairobi (Jam/Berberanews)- Dawladda Kenya, ayaa ka hadashay iskaashiga ay danaynayso inay la yeelato dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada wax-wada-qabsiga iyo taageerada horumarka aasaasiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya marwo Aamina Maxamed, ayaa tilmaantay dhinacyada kala duwan ee ay iskaashi ka samayn karaan Somaliland iyo waxyaabaha dawladdeedu xiisayno, iyadoo xustay in loo baahan yahay heshiis dhexmara Somaliland.

Wasiir Aamina oo waraysi lala yeeshay lagu waydiiyey xidhiidhka dawladdeedu la leedahay Somaliland, waxa ay ku jawaabtay, “Dhinaca horumarinta kalluumaysiga, beeraha, xoolaha, caafimaadka, waxbarashada xataa xagga macdanta, waxa jira dhinacyo badan oo aannu iskaashi ka wada yeelan karno (Somalilnad). Waxa loo baahan yahay inaan heshiis ka gaadhno, inkastoo ay jirto kaabayaasha dhaqaale oo aan aad u badnayn sidii hawlahaas loo samayn lahaa.”Aamina-wasiirka-300x300

“Muwaaddiniin badan oo reer Kenya oo halkaa jooga (Somaliland) oo hawlo kala duwan ka qabta, ganacsiga, waxayna bixiyaan adeegyo kala duwan, waxay la shaqeeyaan hay’adaha Qarammada Midoobay iyo ururrada (NGO-yada) kala duwan, waa macallimiin waxbarashada,” ayey tidhi Aamina Maxamed.

Waxa kaloo ay sheegtay inay Somaliland ka taageeri karaan adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo beeraha, isla markaana leeyihiin shirkado awood u leh inay ka qaybgalaan dhismaha waddooyinka ka socda Somaliland.

“Waxaannu leenahay khibrad iyo awood (capacity), waxaannuna rajaynaynaa in aannu u dhoofino xirfad, marka ay noqoto dhinacyada, caafimaadka, waxbarashada oo aannu haysanno tiro badan oo macallimiin ah oo kor-u-qaadi kara adeeggaasi Somaliland, waxay dhisanayaan waddooyin, annaguna waxaannu leenahay shirkado fiican oo dhisi kara oo ka mid ah meelaha aannu xiisaynayno. Xagga beeraha waxay uga baahan yihiin taageero, waayo waxaannu u leenahay khibrad, awood, xirfad iyo aqoonba, sidaasi darteed, waxaannu jecelnahay in aannu is-waydaarsado arrimahaas,” ayey hadalkeeda ku soo ururisay Wasiirka Khaarajiga Kenya.