Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti oo loo xidhay sababo dhinaca ammaanka ah

Jabuuti (Jam\Reuters)- Safaaradda dawladda Maraykanku ku leedahay dalka Jabuuti, ayaa sababo dhanka ammaanka ah awgood albaabbada loogu laabay shalay, sida ay sheegeen saraakiil ka mid ah kuwa xukuumadda Washington ee ka hawlgala safaaraddaas.

Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Jabuuti maanta, ayaa lagu sheegay in sababaha xidhi-taanka safaaraddu yihiin tallaabo dib loogu eegayo ammaanka safaaraddooda, iyagoo muujiyey inay jirto cabsi ah weerarro argagixiso oo ka dhaca Jabuuti.

“Safaaradda Maraykanku waxay xidhnaan doontaa Khamiista (shalay) taariikhdu tahay 19 March 2015, si loo sameeyo qiimayn dhinaca amniga,” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo safaaradda Maraykanka ee Jabuuti ku baahisay bogga xidhiidhka bulshada ee dhinaca internet-ka (Facebook iyo Twitter-ka), kaasoo lagu caddeeyey in dib loo furi doono safaaradda 22 March 2015 oo ah maalinta Axadda.safaarada-US-ee-Jabuuti-300x164

Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa sidoo kale iftiimiyey in sababo dhinaca amniga iyo cabsi argagixiso darteed loo xidhay safaaraddooda Jabuuti, balse way ka gaabsadeen inay wax faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan arrintaas.

Dalka Jabuuti ayaa xidhiidh iskaashi la leh dalalka Maraykanka iyo Yurub, isla markaana ka caawiya dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyadoo sidoo kale ciidan badan oo reer Jabuuti ah ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah ciidanka AMISOM ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Maraykanka iyo dalalka kale oo reer Yurub ah, ayaa sidoo kale saldhigyo millatari ku leh waddanka Jabuuti, waxayna taasi sababtay in ururrada xidhiidhka la leh Al-qaacida oo Al-shabaab ka mid tahay ku hanjabeen inay weerarro ku qaadi doonaan gudaha Jabuuti, laakiin si rasmi ah looma oga cabsida degdeg ah ee keentay in muddo saddex maalmood ah la xidho safaaradda Maraykanka ee Jabuuti.

Nin iyo haweenay hubaysan ayaa isku qarxiyey hudheel ku yaal magaalada Jabuuti bishii May ee sannadkii 2014, halkaasoo lagu dhaawacay askar reer galbeed ah oo xilligaas ku sugnaa hudheelka la weeraray