Dacwaddii Xasuuqa Somaliland oo ku Caddaatay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Samatar

Hargeysa(Berberanews):- Khoboro dhinaca baadhitaannada iyo Sharciyada ku takhakhusay oo muddaba baadhista kiis loo haystay General Maxamed Cali Samatar oo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xukuumaddii Millateriga ahayd ee Madaxweynaha uu ka ahaa General Maxamed Siyaad Barre, kiiskaas oo ah Xasuuq 1988-kii uu Taliskaasi ka geystay gobolladii Waqooyiga Soomaaliya oo immika ah dalka Somaliland.

General Maxamed Cali SAMATAR

Waxay kooxdani sidaa ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay Axaddii maanta ku qabteen magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland, waxaanay faahfaahiyeen arrintaas, iyagoo sheegay in Kiiskaas Xasuuqa ahaa si cad ugu caddaaday General Maxamed Cali Samatar oo xukunkiisu noqonayo in laga soo mastaafuriyo waddanka Maraykanka ee uu ku nool yahay ama deggan yahay.

Waxaannu Warkaas idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-

Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.