Daawo Abwaan Hadraawi oo ka warramay Daad qaaday oo laga badbaadiyey iyo sidii xaal noqdaya

Burco(Berberanews):- Abwaanka Soomaaliyeed ee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), ayaa sheegay inay isaga, Xaaskiisa iyo Darawalkiisu ay dirqi kaga badbaadeen in Daad ku qaado Dooxa Dacar-budhuq oo ku yaalla degmada Laasgeel ee gobolka Maroodi-jeex, isla markaana ku taalla Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera oo ay badho.

Hadraawi waxa uu sheegay in Gaadhigiisa oo nooca Langruser-ka loo yaqaanno ah uu isla rogay, isla markaana ay ku sigteen in Dooxaasi qaado isagoo daafaha maraya, hase-yeeshee, uu ILLAAHAY Dadkii deegaanka u bixiyey oo ay u soo gurmadeen, oo ay gacmaha soo qabteen, kana saareen Gaadhiga ay wateen oo afarta taayir cirka u taagay, dhakadana isku taagay.

Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), waxa uu fiidkii caawa gaadhay magaalada Burco oo uu deggan yahay oo uu ku socday marka horeba, isla markaana waxa halkaas ku booqday dad badan oo ay Warbaahintu ka mid ahayd. Waxaanu Hadraawi sidii Dooxa Dacar-budhuq daadku ugu qaaday iyo sida looga badbaadiyey uu uga warramay Horn Cable Tv.

Muuqaalka Warbixinta Warkan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.