Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlay Ganacsade lagu Toogtay Hargeysa Dusheeda

Sabo-wanaag(Berberanews):- Askari ka tirsan Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa gelinkii dambe ee Axaddii Maanta toogasho ku dilay Allaah ha u naxariistee Marxuum Ganacsade Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma-dheere) oo ka mid ahaa Ganacsatada waaweyn ee Xoolaha u dhoofisa waddamada Khaliijka Carabta, sida aannu ka soo xigannay Shabakadda CodkaHargeysa oo Warkan baahisay.

breakingnews

Warkan aannu ka soo xigannay CodkaHargeysa, waxa uu intaas ku daray in Falkani uu ka dhacay Bar Kaantarool oo ku taal Tuulada Qoton-dabo oo ka tirsan degmada Saba-wanaag ee gobolka Maroodijeex, xilli ay halkaas marayeen Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) oo Marxuumku la socday, iyaga oo ka soo laabtay Tuulada Daba-gorayaale oo Wasiirku u soo dhagax-dhigay Xarun Caafimaad oo deegaankaas loo samaynayo.

Sida uu CodkaHargeysa u xaqiiyey goob-jooge wehelinayey Weftiga Wasiirka Caafimaadka oo ku soo jeeday dhinaca magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka, Askariga Booliska ah oo joogay Barta Kaantarool ee tuulada Qoton-dabo, ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay Gaadhigii uu saarnaa Ganacsade Gacma-dheere oo Xabbaddu ka Haleeshay Caloosha, balse aanu marxuumka markiiba naftu ka bixin ee halkaas lagaga soo qaaday dhaawac ahaan.

Haseyeeshee, Marxuum Gacma-dheere ayaa geeriyooday meel Dhexda ah xilli dhaawaciisa loo soo waday dhinaca magaalada Hargeysa. Ilaa Immika lama oga sababta Askariga ku kalliftay toogashada Ninka Ganacsadaha ah, haseyeeshee waxa gacan-ku-dhiiglaha isla markiiba Gacanta ku dhigay Askartii Illaalada ahayd ee la socotay Weftiga.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka hadlay dilka loo geystay Marxuum Gacmadheere oo ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka, waxaanu madaxweynuhu tacsi u diray Ehelkii, qaraabadii uu ka baxay Marxuumku. Waxaanu Qoraalka Tacsida ah ee Madaxtooyada ka soo baxay u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariitee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo ku geeriyooday Maanta 22/03/2015, gobolka Daadmadheedh, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo Kalena ka mid ahaa Ganacsatada Dalka ee Xoolaha dhoofiya.

Madaxweynuhu Marxuumka waxa uu Allaah uga baryayaa inuu naxariistii Jannatul Fardawsa ka waraabiyo, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Saadiqa ka Siiyo.” Sidaas waxa lagu yidhi dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay isaguna geeridan, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed uu caawa soo saaray, waxaanu Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo Berberanews soo gaadhay lagu yidhi sidan:-

“Anigoo ku hadlaya magacayga, Guddiga fulinta, Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda Ganacsatada iyo dhamaan shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma-dheere) oo ka mid ahaa Ganacsatada Xoolaha dhoofisa oo geeryooday. Waxaan Allaah uga baryayaa Marxuumka inuu u naxariisto dhammaanteenna Samir iyo Iiman innaga siiyo.  Aammiin………….Aammiin……Aammiin.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.