Daawo Aas Qaran oo Hargeysa loogu sameeyey Ganacsade Askari Booliska ka tirsani Toogasho ku dilay

Hargeysa(Berberanews):- Allaah ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmo-dheere) oo ka mid ahaa Ganacsatada waa wayn ee reer Somaliland, ayaa maanta Aas Qaran oo Madaxweynaha iyo Madaxda kala duwan ee Laamaha dawladda, Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, Culimada, Madaxda Xisbiyada, Siyaasiyiin, Madaxda Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadu ka qaybgaleen loogu sameeyey Qubuuraha Naasa-hablood ee Bariga-Waqooyi ee Caasimadda Hargeysa.

AASKA GACMO-DHEERE

Madaxweynaha, Madaxda Xisbiyada, Madaxda Golayaasha Qaranka, Wasiirro, Masuuliyiin dawladeed, Culimo, Madax-dhaqan, Ganacsato iyo dad ay si dhaw isu yaqaanneen Marxuumka, ayaa ka warramay doorka uu dhismaha dawladnimo, ganacsi, bulsho, Qaran iyo halgannadii kala duwanaa ee dalkani soo maray uu ku lahaa Marxuumku.

Muuqaalkan hoose ka daawo warbixinta warkan aaska oo dhammaystiran:-