Hargeysa(Berberanews):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxxamed Faarax, ayaa gelinkii dambe ee Isniinta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo u ambabaxay dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada Cardiff oo uu ka furmayo Fadhiga Golaha deegaanka magaaladaas oo la hor-geynayo Mooshin lagaga doodayo gooni-isu-taagga iyo aqoonsiga Somaliland.
Ujeeddada Weftigan oo ay Xukuumadda talada haysa ee Somaliland dirtay, ayaa ah inay goob-joog u noqdaan fadhiga Mooshinkaas lagu ansixinayo ama lagu diidayo ee Golaha deegaanka Magaalada Cardiff ee ah in Somaliland ay aqoonsadaan.
Sannadkii hore ayay ahayd markii ay Golaha Deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriisku sidan oo kale qodob ah in Baarlamaanka waddanka Britain la hor-geeyo qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay Golahaasi ansixiyeen.
Haddaba, Warbixinta Warkaas oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.