Hargeysa(Berberanews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii maanta u dhoofay wammada Maraykanka iyo Canada oo uu sheegay inuu kulammo kula yeelan doono Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalalkaas.
Cabdiraxmaan-Saylici, ayaa intii aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal, ayaa Saxaafadda kula hadlay Qolka Nasashada Madaarka, waxa uu sheegay in uu arrimo kala duwan kala hadli doono Jaaliyadaha Somaliland ee dalalkaas ku dhaqan, isla markaana uu muddo saddex toddobaad ku siman ku maqnaan doono Canada iyo Maraykanka.
Halkan ka Daawo Warbixinta Warka Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.