London(Berberanews):- Ganacsadaha wayn ee reer Jabuuti Cabdiraxmaan Boore, ayaa ka hadlay sida uu u arko go’aan Insiintii ka soo baxay Maxkamad ku taalla magaalada London oo u dhexaysay isaga iyo dawladda Jabuuti, isla markaana uu ku eedaysnaa dhawr kiis oo uu ka mid ahaa inuu Argaggixiso abaabulay, Ganacsigiisa oo la xayiray iyo inuu dambiile Qaran-dumis ah ka yahay dalkiisa, waxaanay Maxkamaddu laashay Kiiska argaggixisadanimada loo haystay, isla markaana waxay fasaxday Lacag badan oo ka xayirnayd.
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay kiisaska ay sida wanjalaadda ah ugu samaysay dawladda Jabuuti oo uu illaa Qareenkii u doodayey Jabuuti ku fashilmay oo ay Maxkamaddu ka joojisay shaqadii uu ka hayey markii uu been cad Maxkamadda ka hor-sheegay. Waxaanu Ganacsade Boore ugu baaqay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in ay wadahadal ku xalliyaan dhibaatada dhexdooda.
Ganacsade Boore oo Waraysi gaar ah siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da caawa waxa uu faahfaahin ka bixiyey marxaladihii kiisaskiisu soo mareen, go’aanka Maxkamaddu ka gaadhay, hamigiisii siyaasadeed ee ay Madaxweyne Geelle iskaga hor-yimaaddeen, hantida faraha badan ee dawladda Jabuuti iyo isaguba ku bixinayaan Dacwadaha dhexdooda, kuwaas iyo qodobbo kale ayuu ku sharraxay Waraysiga uu bixiyey.
Haddaba, Waraysigaas Ganacsade Cabdiraxmaan Boore lala yeeshay waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Codkan hoose ee dhegaysi wacan:-
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.