Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland iyo Taariikhdiisii oo kooban

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay geerida ku timi Allaah ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidammada Booliska Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi-Kabaal) oo maanta ku geeriyooday waddanka Talyaaniga.

War-Saxaafadeed qoraal ah oo galabta ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Berberanews, ayaa lagu sheegay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Marxuum Cilmi-Kabaal, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo Tacsi u diray Ciidammada Qalabka sida, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacabka Somaliland guud ahaan, waxaanu Marxuumka Allaah uga beryey inuu Naxariista Janno ka waraabiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan Qaran gaar ahaan Ciidanka Booliska,  oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska  Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi-kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku geeriyooday dalka Talyaaniga.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu Tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta Somaliland waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay rukun ka mida rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.

Waxaannu Madaxweynuhu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland Arbacadii maanta ee Berberanews soo gaadhay.

Muuqaalkan Hoose ka Daawo Taarikh-nololeedkii Marxuumka iyo xilalkii kala duwanaa ee uu ka soo qabtay xilligii Ingiriiska, intii ay Somaliland jirtay iyo Soomaaliya midaysnayd.

Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.