Maxkamadda Sare ee Ciidammada Somaliland oo Dil iyo Xabsi ku kala Xukuntay 2 Askari oo ku eedaysnaa Dilka Ganacsade Gacmo-dheere

Hargeysa(Berberanews):- Maxkamadda sare ee Ciidammada qalabka sida ee Somaliland, ayaa xukun dil ah ku ridday Askari ku eedaysnaa inuu toogasho ku dilay Ganacsade Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmo-dheere) Axaddii toddobaadkan, isaga oo Meydka Marxuuka Salaasadii shalay lagu aasay Hargeysa. 

Waxay sidoo kale Maxkamadda Ciidammadu Xukun 10 sannadood oo Xabsi Ciidan ah ku ridday Askari labaad oo xadhigle ahaa, isla markaana Askariga dilka geystay Taliye u ahaa, una sheegay war-been abuur ah oo keenay inuu Askariga dilka geystay toogasho toogto Marxuumkaas Ganacsadaha ahaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada qalabka sida Yuusuf Faarax Sharmaarke oo xukunkaas ku dhawaaqay, qodobbada uu u cuskaday iyo sida dembigu ugu caddaaday labadaas Askari ee Booliska Somaliland ka tirsanaa ka daawo muuqaalkan hoose.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.