Washingon DC(Berberanews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa gaadhay magaalada Washington DC ee waddanka Maraykanka, ka dib markii uu gelinkii dambe ee Arbacadii shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, isagoo sheegay inuu socdaalkiisa ku tegayo dalalka Maraykanka iyo Canada.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa caawa, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenku nabad-tegay Maraykanka iyo Maalmaha loo qorsheeyey inuu la kulmo Jaaliyadaha ku dhaqan Maraykanka ee reer Somaliland. Qoraalkaas oo Nuqul ka mid ah Berberanews helay waxa uu u dhignaa sidan:-
“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” oo maalintii Arbacadii ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport, Isaga oo u sii jeeday dalka Maraykanka ayaa sida aanu ka helnay Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka maraykanka Ambassador Rashiid Gaaruf Nuur uu noo xaqiijiyey in weftigii madaxweyne ku xigeenku si nabadqab ah ay ku soo gadheen magaalada WASHINGTON DC ee USA.
Halkaas oo ay ku sugayeen weftiga jaaliyada somaliland ee dalka maraykanka oo uu hogaaminaayo safiirka Somaliland u fadhiya Dalkaasi iyo xubno badan oo ka mida jaaliyada somaliland.
Waxaana madaxweyne ku xigeenka loo gelbiyey hotel kii loogu talo galay waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda la kulmo jaaliyadhaa somaliland ee kala ah:-
1 – Jaaliyadda Washington DC maalinta Sabtida March 28, 2015
2 – Jaaliyadda Minnesota maalinta Axada March 29, 2015
3 – Jaaliyadda Seattle maalinta Jimcaha April 3, 2015
4 – Jaaliyadda Columbus maalinta Axadda April 5, 2015.
Ka dib, wuxu u gudbi doonaa Madaxweyne Ku-xigeenku waddanka Canada, oo isna aad looga sugaayo illaa haddana ku jira diyaar-garaw xooggan oo ay ku soo dhawaynayaan Jaaliyadda Canada ee reer Somaliland Madaxweyne Ku-xigeenkooda Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.