Maraykanka oo Duqayn hor leh ku bilaabay Daacish-ta ku gadoonsan Magaalada lagu hareeraysanyey ee Tikrit

Tikrit(Berberanews):- Ciidammada dawladda Maraykana, ayaa billaabay in ay dhinaca Cirka ka duqeeyaan fadhiisimmo ay Kooxda la baxday Khilaafada Islaamiga ah ee Daacish ku leedahay magaalada ay Ciidanka Ciraaq iyo Malleeshiyaadka Shiicadu ku hareeraysan yihiin ee Tikrit ee waddanka Ciraaq.

DIYAARADAHA MARAYKANKA OO DAACISH DUQEEYEY

Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in weerarkaas uu ka dambeeyey codsi uga yimid xukuumadda Ciraaq. Weriye halkaasi jooga waxa uu sheegayaa in uu maqlay diyaarado dagaal oo dushiisa maraya, oo ay ku xigeen dhowr qarax.

Ilaa hadda Maraykanku waxa uu iska fogeeyay in uu ku leg leeyahay hawlgallada ay askarta Ciraaqiyiinta ku doonayaan in ay dib ugala wareegaan Tikrit kooxda Daacish, sababtuna waxa ay tahay iyadoo dagaalka dhulka ay hoggaaminayaan maleeshiyada Shiicada ee Iran taageerto. Duullaankaas waxa uu istaagay dhowr toddobaad ka hor.

Xigasho BBCSomali.com.