Hargeysa(Berberanes):- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa Tacsi u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Ciidanka Booliska iyo guud ahaan Qaranka uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Taliyihii hore ee Booliska Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi-Kabaal) oo Arbacadii oo ku beegnayd 25 March 2015 ku geeriyooday dalka Talyaaniga oo uu Xaalad caafimaad u joogay.
Qoraal ka soo baxay Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa, oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Berberanews, waxa uu Muuse Biixi kaga warramay door wax ku-ool ah oo uu Marxuum Cilmi-Kabaal ku lahaa dhismaha dawladnimo ee dalka Somaliland, qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-
“Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, wuxuu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Ciidammada Booliska, bahda madaxdhaqameedka iyo shacabka Somaliland geerida Marxuum Suldaan/General Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta (25/03/2015) ku geeriyooday dalka Talyaaniga.
Marxuum Cilmi-Kabaal waxa uu door wayn ka soo qaatay dhismihii ciidammada Qaranka iyo nabadayntii waddanka, isagoo laba jeer Taliye ka soo noqday Ciidanka Booliska Somaliland. Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka naxariista janno ka waraabiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.