WADDANI oo wax lagu qoslo ku tilmaamay eedayn KULMIYE ugu jeediyey inay is-hortaageen Kuraas loo kootayn lahaa Beelaha Gabooye

“Innaga oo og in Madaxweyne Siilaanyo Xukuumaddiisa Wasiir buuxa uga quudhi waayey Beelaha Gabooye in Cali-Marreexaan yidhaahdo, Gacanta Cirro ayay Kootadu ku dhimatay isagoo koow ka ahaa Xubnihii is-hor-taagay ee baabbi’iyey…” Afhayeenka WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa

Hargeysa(Berberanews):- Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadal uu sheegay Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali-Marreexaan) oo Golahaas ay ku wada jiraan, isla markaana ka tirsan Mudanayaasha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo qorsheeyey inuu Kooto u sameeyo Beelaha Gabooye.

XILDHIBAAN BUUBAA

Xildhibaan Buubaa, waxa uu sidoo kale cambaareeyey Munaasibad Xisbiga KULMIYE shalay ku soo dhaweeyey Siyaasiyiin iyo Taageerayaal ka soo jeeda Beelaha Gabooye oo sheegay inay ku biireen KULMIYE, hase-ahaatee, waxa uu sheegay in xubno kooban Boqollaal qof oo reer KULMIYE ah lagu dhex-daray oo la buunbuuniyey, Beelaha Gabooye Wax-garadkooda, Haweenkooda iyo dhalinyaradooduna muddaharaad ay kaga soo horjeedaan buunbuuintaa isla shalay ka dhigeen Xaafadda Daammi oo ka tirsan degamda Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Cali-Marreexaan, ayaa ka mid ahaa Xubno KULMIYE u hadlayey oo shalay ka hadlay Munaasibad lagu qabtay Huteel Maansoor oo hoggaanka sare ee Xisbigaasi ku qaabbilay Xubnaha Gabooye ee sheegay inay Xisbigooda horena uga tirsanaayeen immikana xaqiijinayaan inay rasmi ugu biireen. Waxaanu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ay gacantiisa ku dhimatay Kooto uu Madaxweyne Siilaanyo ugu talo-galay Beelaha Gabooye in laga siiyo Golaha Wakiillada soo socda.

“Labada Gole ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) kuma jiraan cid metesha Beelaha Gabooye, Madaxweynuhu wuxu soo qoray qorshe uu doonayo in lagu meel-mariyo Kooto la siiyo Beelaha Gabooye, Baarlamankaa la keenay, Golaha Wakiillada Mucaarad iyo Muxaafid-ba way ku jiraan, weliba waxa hoggaankiisa haya Mucaaradka, waxa soo socda ee ah midho Cirka ku laalan oo cid kale hayso inta aad ballan-qaadayso kii aad haysay ee Kootada ahaa ee Madaxweynuhu soo gudbiyey meel kaga warran. Halkay ku dhimatay Kootadii Madaxweynuhu soo gudbiyey ee uu yidhi Beelahaa Kooto halloo sameeyo, ogaada gacanta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayay ku dhimatay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali-Marreexaan.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo Wargeyska Himilo xalay arrintaas siday u arkaan Taleefanka wax ka weydiiyey, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo haddii uu wax la jecel yahay ama xil la rabo Beelaha Gabooye inta uu Kooto Sharci-darro ah oo Gole loo dhan yahay ka socon weyday ay ka dhib yartay in uu Masuuliyiinta uu tan iyo markii uu xilka qabtay Saqda dhexe isku-beddelka, xil-ka-qaadista iyo magacaabista ku sameeyo tahli waayey inuu ku daro oo uu mar qudha Wasiir buuxa u quudho, isagoo xusay inay Wasiir iyo xilal ka badan-ba u qalmaan Beelaha Gabooye.

“Horta, marka hore waxaan cambaareyna Xafladda been abuurka ah ee laga sameeyey Dadweynaha Beesha Gabooye taasoo ay maanta (shalay) Xukuuumaddu soo abaabushay dad ay magacooda ku sheegayso oo ay leedahay waxa ay ku biireen Xisbiga Kulmiye, taasoo aad arkayseen siday uga cadhoodheen ee ay uga muddaharaadeen dhammaan qaybaha kala duwan ee beesha Gabooye hadday tahay Madax-dhaqameedkooda, hadday tahay Haweenkooda iyo Dhalinyaradooda, taasoo la arkaayey maanta (shalay) muddaharaaadkii ay ku qabteen Xaafaddooda ee ay ku beeninaayeen in aanay iyaga ahayn cidda Xafladdaas loo qabtay.”

”Waxaan jecelay inaan hadallo yar oo koob kooban ka idhaahdo su’aashaa aad hadalka Xildhibaan Cali iga weydiisay iyo laba qof oo kale oo ka hadlay Xafladdaasi, waxaanan ugu horreysinayaa Cali-Mareexaan oo aan Golaha ku wada-jirno, markaasi waxaan leeyahay Cali wuxuu sheegay in Madaxweyuhu qorsheeyey in beesha Gabooye kuraastooda koooto loogu xidho Guddoomiye Cirrana uu hor-istaagay oo ay Gacantiisana ku dhimatay Kootadaasi.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.

Waxaanu Afhayeenka Xisbiga WADDANI oo jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey sii wata uu yidhi; “Markaa, waxaannu leenahay Cali-Marreexaanoow waxba kama jiraan waxaas aad sheegtay, Guddoomiye Cirro ayey gacantiisa ku dhimatayna waxaannu kaa nidhi; adiguu ahaa ninkii markii Xildhibaannada Mucaaradku soo dhigeen ciddii baabbi’isay ee is-hortaagtay adiguu ahaa, adigoo waliba kaashanaya Mudanayaasha Muxaafidka ah ee aad ugu Dabshido dhaameelkaad uga soo daadiso Madaxtooyada.”

“Waxaanan leehay Madaxweyne Siilaanyo haddii uu Kuraas ama xilal la jecel yahay Beelaha Gabooye way u qalmaan in xilal lala jeclaado oo loo magacaabo, hase-yeeshee, inta uu Kooto Gole aad kaw adigu ka tahay Xildhibaannada Muxaafidka ee ka horyimi Madaxweynuhu ku xidhayo waxa ka dhaw in Xukuumadda KULMIYE ee wakhtigeedu dhammaanayo xilal uga magacaabo, iska daa wax uu la jeclaadee waxa uu Madaxweynuhu u quudhi waayey Beelaha Gabooye Wasiir buuxa inuu siiyo inta uu Digreetooyinka Saqda dhexe soo saaro tan iyo markuu xilka qabtay ee uu magacaabista iyo isku beddelka ku sameeyo mar qudha gacantu way kaga dhici weyday Wasiir buuxa oo Beelaha Gabooye ka soo jeeda, iyadoo taasi jirta in Cali yidhaahdo Madaxweynahaa wax idinla jecel goor uu iman aan la ogeyn waa ayaan-darro iyo wax aad loogu qoslo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka jawaabayey Su’aasha arrintan Himilo ka weydiiyey.

Mar uu daba socday Xildhibaan Buubaa hadal uu isla Xafladdaas shalay ka sheegay Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, waxa uu yidhi; “Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay wax lagu qoslo waxaanu sheegay in Xisbiga Kulmiye aanu marna soo hadal qaadin Afkiisa aan laga hayn muddo-kordhin inaan loo samayn Madaxweyne Rayaale, taasoo ah been cad, waayo? Waakii ku hadaaqayey Axmed-Siilaanyo ee lahaa isagoo xitaa qaldaaya magaca Daahir Rayaale ee lahaa Maxamed Riyaale ha dhacao iyo hanna soo dhaafo waatii la ogaa wixii Kulmiye Muddaharaadyo ka xigay arrintaas iyo Muwaaddiniintii ku nafwaayey-ba, haddaba waxaan leeyahay Muuse iyo qayrkiiba la idinka yeeli mayo muddo-kordhinta aad u qiil raadinaysaan taariikhdu waa mid qoran oo idiin taalla waxii aad hore uga aamminsanaydeen ee aad kasoo sameyseen-ba.”

“Muuse waxan kuugu maahmaahayaa Maahmaahdii Madaxweyne Cigaal hore kuugu maahmaahay ee ahayd waa Rafadkii ay rafanaysay, markaas Muusoow waxaannu idinka leenahay Hantida Ummadda Muusoow Dastuurku wuu caddeeyey, Ummaduna way idin arkaysaa in aad Miisaaniyaddii Qaranka iyo Hantii Ummadda sida aad ugu tumanaysaan ee aad ugu Ciyaaraysaan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa.

Xigasho Wargeyska Himilo.