Hargeysa/Garoowe (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland khadka taleefanka kula soo xidhiidhay dhawaan, isla markaana uu ka raalligeliyey dacaayado Masuuliyiin Puntland ka tirsani u soo jeediyeen Somaliland, kuwaasoo sheegay in Somaliland taageerto Al-Shabaab weerarro ka fulisay gudaha Boosaaso. Hase-yeeshee, Maamulka Puntland ayaa beeniyey in Madaxweynohoodu xidhiidh la soo sameeyey Axmed-Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, taleefan kula soo hadlay, isla markaana ka raalligeliyey dacaayado Maamulkiisu u jeediyey Somaliland oo uu ku xidhiidhiyey Al-Shabaab dhawrkii bilood ee u dambeeyey.
Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo sidaa ku sheegay Khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah oo uu Sabtidii maanta ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilladu yeesheen, sidoo kalena uu arrimo badan kaga hadlay, qodobbada uu ku soo qaadayn uu ka mid ahaa qodobkan la soo hadalka Madaxweynaha Puntland.
“In dhawayd waxa ka imanayey Maamuul Goboleedka Puntland dacaayado ka dhan ah qarannimada Somaliland. Haddaba, in kastoo dhawaan uu ila soo xidhiidhay Madaxweynaha Puntland oo uu raali-gelin iga siiyay, waan soo dhaweynayaa raaligelintaas, Somaliland waxaa ka go’an nabad kula noolaanshaha waddamada deriska ah iyo in laska kaashado adkaynta Ammaanka.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo.
Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaas, waxa uu ku dooday inaanu haba-yaraatee jirin wax xidhiidh ah oo dhinaca Taleefanka ku dhex-maray Madaxweynaha Puntalnd iyo Madaxweynaha Somaliland, iyo raalli-gelin uu Cadiweli Gaas Axmed-Siilaanyo siiyey toona.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Codka Shirka Jaraa’id ee uu ku qabtay Garoowe ee uu ku beeniyey Hadalka Madaxweynaha Somaliland, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Codkan hoose ee dhegaysi habboon:-
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.