Dagaalkii Maka Al-Mukarama oo dhammaaday iyo dawladda Soomaaliya oo ka hadashay 20 saac oo Al-Shabaab haysatay ka dib

Muqdisho(Berberanews):- Dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa ka warrantay dagaal ku dhawaad labaatan saacadood ka socday Huteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo Koox Al-Shabaab ka tirsani gelinkii dambe ee shalay qaraxyo ka fuliyeen, weerarna ku qabsadeen, iyagoo dad badan ku haystay gudaha Huteelkaas, dhawr iyo toban qof oo Masuuliyiini ku jiraanna ku dhinteen in ka badanina ku dhaawacmeen.

MAKA AL-MUKARAMA MUQDISHO OO AL-SHABAAB EE WEERARTAY JIMCAHA 27 MARCH 2015

Xukuumadda ayaa sheegtay in la soo afjaray dagaal muddo 15 saacadood ka badan ka socday gudaha Huteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay gelinkii dembe ee Jimcihii shalay weerar ku galeen Malleeshiyo hubaysan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo Shacab iyo dawlad ba isugu jira.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Warbaahinta kula hadlay Huteelka weerarku ka dhacay oo 15 saac in ka badan ay gudaha ugu jireen Malleeshiyada weerarka ku qabsadatay Maka Al-Mukarama oo ay booqasho ku tageen Masuuliyiin dawladda ka tirsan oo Wasiir Maareeye ka mid yahay, wuxu ku kaga warramay weerarkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.

Maareeye ayaa sheegay in weerarka ay ku geeriyoodeen 14-qof oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Saraakiil iyo Dad Shacab ah. Wakhtigaas oo la sheegay in Meydad badani ay yaalleen gudaha Huteelka oo uu Saxaafadda hadlay Wasiir Maareeye.

“Ragga soo weeraray Huteelka waxay ahaayeen shan illaa lix ruux, waxayna wateen hub isugu jiray; Bambooyin, qoryo fudud iyo middiyo. Ciidammaduna fursad uma siin Xubnahaas inay dadkii Huteelka ku jiray siday doonaan ka yeelaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Huoteelka laga soo saaray 50 qof oo Shacab ah, isla markaana caafimaad qaba, kuwaasoo 15-kii saacadood ee Malleesshiyada hubaysani goobtaa haysteen ay ku dhex-haysteen gudaha Huteelka, kuwaasoo uu xusay inay Ciidammada dawladda Soomaaliya ku guulaysteen in la badbaadiyo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sharraxayey waxay kala ahaayeen 14-ka qof ee uu sheegay inay dagaalkaas ku dhinteen, waxa uu yidhi; “Dadkii ku dhinty weerarkaas ee 14-ka ruux ahaa waxay isugu jireen afar Askari, Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Geneva, Gabar ka tirsanayd Bangiga Adduunka lana shaqeynaysay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, saddex ilaaladii Hudheelka ah iyo lix qof oo Shacab ah.” ayuu Maareeye hadalkiisa raaciyay.

Waxa kale oo Wasiirka Warfaafintu intaas ku daray oo sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen 13-qof, laakiin-se Cusbitaalka Madiina, ayaa wxaa la gaadhsiiyay dhaawacyada 28-qof oo ku dhaawacmay iska-hor-imaadyadii iyo qaraxyadii ka dhacay Huteel Maka Al-Mukamara.

Hawlgalkan, ayaa intii uu socday waxaa ku geeriyooday xubno uu k mid ahaa Danjire Bari-bari oo ahaa Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Geneva, isagoo weerarkani noqonayo kii ugu muddada dheeraa ee ay Al-shabaab ku qabsato Huteel Muqdisho ku yaalla.

Berberanews.com

Muqdisho/Soomaaliya.