Dawladaha Somaliland iyo Suudaan oo kulammo Warbaahinta laga hor-joogsaday Hargeysa uga socdaan

Hargeysa(Berberanews):- Kulammo aan illaa hadda ujeeddadooda rasmiga ah la shaacin, ayaa dawladaha Somaliland iyo Suudaan uga socda magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka, kuwaasoo bilaabmay ka dib markii ay Wefti ka socda dawladda Sudan Booqasho aan ujeedkeeda war laga soo saarini yimaaddeen gelinkii dambe ee Jimcihii, kuwaasoo isla markii ay yimaaddeen kulammo la yeeshay masuuliyiin Somaliland ka tirsan.

Weftigan oo uu ka mid yahay Safiirka dawladda Sudan u fadhiya Jabuuti iyo Saraakiil kale, waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo degeen gelinkii dambe ee Jimcaha Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Wasiiru-dawlayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooayda Somaliland oo kulan kooban Madaarka markii ay ka soo degeen gudihiisa kula yeeshay Weftigan.

Weftigan ka socda Suudaan, ayaan Warbaahinta loo oggolaan inay la kulanto, isla markaana wax war ah Masuuliyiinta dawladda Somaliland kama soo saarin ujeeddada socdaalka Weftigan Suudaan ka socdaa ku yimaaddeen Hargeysa iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen toona. Waxaana loo soo gelbiyey Weftigaas dhinaca gudaha Caasimadda, iyagoo inta ay joogaan dalka kulammo kale la yeelan doona Madaxda dawladda Somaliland.

Muuqaalka Warkan Weftiga ka daawo halkan hoose:-


Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.