Madaxweyne Siilaanyo oo Sabtida Khudbad u jeedinaya labada Gole Baarlamaan & Xildhibaan Buubaa oo ka hadlay

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa in Sabtida Berri oo ku beegan 28-ka bishan March uu Fadhi wada-jir ah oo ay labada Gole Baarlamaan ee Wakiillada iyo Guurtida ka hor-jeedin doono khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah, taasoo la filayo inuu qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-dhaca doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u socday ee bilawgii bishan fashilmay iyo qodobbo kale kaga hadli doono.

siilaanyo

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, sidoo kalena ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa qoraal kooban oo uu caawa soo saaray kaga hadlay kulanka labada Gole yeelanayaan Sabtida Berri ee uu Madaxweynuhu khudbad-sannadeedkiisa ka jeedin doono, waxaanu u soo jeediyey Madaxweyne Siilaanyo inuu oggolaado su’aalaha Mudanayaasha Baarlamaanka sharcigu u banneeyey inay fadhigan oo kale Madaxweynaha ku weydiiyaan.

“Waxaan halkan fariin uga dirayaa Madaxweynaha Somaliland oo Berri la filayo inuu horyimaado Golayaasha Qaranka kana jeedin doono khudbad-sannadeedkiisa. Markaa, waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne, muhiim ayey bulshada u tahay khudbaddaadu waana la wada dhawrayaa, waxaan rejaynayaa inay ku salaysnaan doonto khudbaddaadu xaaladaha dhabta ah ee xilligan dalka dhinac kasta ka jira. Waxa kale oo aan filayaa inay ka duwanaan doonto khudbadahaagi hore ee bilow iyo bud-dhigba u ahaa ammaanta Xukuumaddaada iyo bogaadinteeda.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi.

Xildhibaan Buubaa waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Madaxweyne sannad kasta khudbad ayaad Golayaasha ka horjeedisaa in ka badan saacad ayaad naga hor akhridaa ugu yaraan labaatan Xaashiyood, ka dibna waad iska baxdaa, haddaba, Madaxweyne berri haku talo-gelin inta aannu Saacad ku dhegaysano haddana inaad diiddo in wax su’aal ah lagaa weydiiyo wixii aad soo qoratay, berri Mudanayaasha labada Gole waxay diyaar u yihiin dhegaysiga Khudbaddaada, waxa kale oo ay diyaar u yihiin inay Su’aalo kaa weydiiyaan khudbadda aad ka hor akhriyi doonto.”

“Waayo? Mudane Madaxweyne adigu dalka guri ayaad kaga xidhan tahay kuwa kugu Xeeranina waxa ay labada dhegood kaaga akhriyaan waa been iyo hal-kama jiraan, annaga ayaa dacal illaa dacal dalka u war-hayna, Bulshadana Wakiillo u ah oo metelna, xaqna waxaannu u leenahay inaannu wax kaa weydiinno khudbaddaada iyo heerka Qarankani maanta marayo. Ugu dambayn waxaan fariintaydan caawa ugu soo beegay si aan Madaxweynaha ula socodsiiyo in berri Mudanayaasha labada Gole diyaar u yihiin inay Madaxweynaha wax ka weydiiyaan Qarankan loo doortay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa afartii sannadood ee la soo dhaafay sannad kasta Mudanayaasha labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada ka hor-jeediyey khudbad-sannadeedka Dastuurku waajibka kaga dhigay, waxaanay khudbadda uu berri haddii Allaah idmo jeedin doonaa noqonaysaa khudbaddiisii shanaad ee uu u jeediyo labada Gole Baarlamaan muddada shanta sano ee 3-da bilood ka dhiman yihiin ah ee uu xilka hayo.

Xigasho Aftahannews.com