Safiirkii Somalia ee Switzerland oo ku jira Masuuliyiin ku dhintay Weerar Al-Shabaab ku qaadday Huteel Muqdisho ku yaal

Muqdisho(Berberanews):- Ugu yaraan illaa toban qof oo isugu jira Shacab iyo Masuuliyiini oo ku dhintay weerar koox Al-Shabaab ka tirsani ku qabsadeen gelinkii dambe ee Jimcihii maanta Huteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, tiro kalena way ku dhaawacmeen.

MAKA AL-MUKARAMA MUQDISHO OO AL-SHABAAB EE WEERARTAY JIMCAHA 27 MARCH 2015

Dadka ku dhintay Weerar ay Al-Shabaab Abbaaro shantii galabnimo ee Jimcii maanta oo daqiiqado dhiman ku qaadday Huteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo ay gacan-ku-hayntiisa markii hore la wareegeen Al-Shabaa, waxaa ka mid ah Safiirkii Soomaaliya ee dalka Switzerland Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-bari iyo dad badan oo kale. Halka ay warar kalena tibaaxayaan in Dublamaasiyiin kale la raadinayo oo aan illaa hadda la xaqiijin karin inay dhinteen iyo inay nool yihiin.

Weerarkan ka dhacay gudaha Huteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ugu yaraan toban qof oo kale ayaa ku dhintay in ka badanina way ku dhaawacmeen, waxaana Meydadka iyo dhaawacyada weerarkaas ka dhashay loo qaaday Cusbitaalka Madiina ee Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Mulkiilaha hotelkan Gurey Xaaji Xasan, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA u sheegay in Huteelka ay dhawr saacadood haysteen Dableydii weerarka soo qaadday isaga oo sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac, balse aanu xaqiijin karin.

Dablay la aamminsan yahay inay ka tirsan tahay ururka Alshabaab ayaa weerar ku qaaday hotelka Maka Al Mukarama ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Mulkiilaha hotelkan Gurey Xaaji Xasan ayaa VOA u sheegay in hotelka ay xilligan haystaan dableydii weerarka soo qaadday isaga oo sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac balse aanu xaqiijin Karin.

Gurey Xaaji Xasan ayaa isagu sheegay in ciidamada dawladdu ay ku sugan yihiin bannaanka hotelka. Safiirrada Soomaaliya ee Swizzerland  iyo Jarmalka Yusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari iyo Maxamuud Maxamed Tifow ayaa laga soo badbaadiyey hoteelka, inkastoo Ambasaador Bari Bari uu dhaawac soo gaadhay u dhintay.

Masuuliyiin Hay’adaha Ammaanka dawladda Soomaaliya ka tirsan, ayaa sheegay caawa cawaysnimadii inay Kooxda Al-Shabaab ka tirsanayd ee weerarka ku qabsaday Huteelka Maka Al-Mukarama ka saareen, isla markaana ay hadda Ciidammada dawladda Federaalka Soomaaliya gacanta ku hayaan Huteelkaas, dagaal ay dusha kaga keeneen iyo rasaas saacado badan la is-waydaarsanayey ka dib. Waxaanay wararku sheegayaan in Masuuliyiin Huteelkaas ku jirtay la waayey, halka qaar badanna laga badbaadiyey oo iyagoo bad qaba laga saaray.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.