Hargeysa(Berberanews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ujeeddada Wefti ka socda dawladda Suudaan oo gelinkii dambe ee Jimcihii toddobaadkan booqasho aan ujeedkeeda la shaacin, markii ay yimaaddeenna cidi ka hadal ku yimi Caasimadda Hargeysa, isla markaana kulammo la yeeshay Madaxda dawladda.
Weftigan oo aanay Xukuumadda Somaliland markii ay yimaaddeen ka hadal, isla markaana aan iyaguna Warbaahinta la hadal ee Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo soo dhaweeyey ka hor-joogsadeen Weriyeyaasha inay wax war ah ka helaan Weftigaas, balse ujeeddeeyin kala duwan loo fasirtay ujeeddada socdaalkooda. hase-yeeshee, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isagu Weftiga qaabbilay, ayaa sheegay waxay ujeeddada socdaalkoodu salka ku haysa.
Waraysi uu Bixiyey Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.