Ceerigaabo(Aftahannews):- Wefti Wasiirro, Wasiiru-dawle, Agaasimayaal iyo Xubno kale oo ka socda Xukuumadda Somaliland, ayaa gelinkii dambe ee maanta gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaasoo ay Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ku soo dhaweeyeen.
Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), waxaa xubno ka ah Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed), Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof: Faarax Cilmi Geedoole, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Xubno kale.
Weftigu markii ay gaadheen Ceerigaabo, wax faahfaahin ah kama bixin ujeeddada socdaalkoodan gobolka Sanaag, hase-yeeshee, waxay sheegeen inay gobolka qaybaha ay sii mareen ka farxiyeen, inta u dhimanna ay ka farxin doonaan, balse xog-waraysi gaar ah ay wadayeelanayaan masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee soo dhaweeyey.
Halkan hoose ka daawo Warkaas oo dhan:-
Berberanews.com
Ceerigaabo/Somaliland.