Hargeysa(Berberanews):- Allaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo ahaa Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, sidoo kalena ahaa Macallin wax ka dhiga Jaamacadaha dalka qaarkood, ayaa ku geeriyooday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Barkhad Miiggane, ka sokow ka mid ahaanshaha Golaha Wakiillada ee uu ka tirsanaa, waxa uu ka mid ahaa Barayaasha sare ee dalka Somaliland ee doorka wayn ka soo qaatay Jaamacadaha dalka, isla markaana Jaamacadaha uu wax ka dhigi jiray ka mid ahaayeen Camuud iyo Hargeysa iyo kuwo kale-ba.
Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Baarlamaanka, Bahda Waxbarashada iyo guud ahaan Shacabka Somaliland in Allaah Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, iyagoo Marxuumkana Allaah uga beryey inuu Naxariista Janno ka waraabiyo.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa iyaguna tacsi diray, waxaanay Marxuumka ALLAAH uga beryeen inuu Jannada geeyo.
War-Saxaafadeed galabta ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ayuu Madaxweynuhu kaga hadlay geeridan, kaasoo qoraalkiisu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo maanta 30/03/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul qaran oo muddo dheer ka soo shaqaynaayey danta ummadda iyo ta qarankaba kana mid ahaa odayaashii ka qaybqaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka door muhiimana ku lahaa xeer dejinta dalka, isaga oo marxuumku ka mid ahaa xildhibaanadii u horeeyey ee dalku yeesho oo uu ilaa wakhtigana ka mid ahaa golaha baarlamaanka somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Sidoo kale, Masuuliyiinta Xisbiyada, UCID, WADDANI iyo KULMIYE iyo Shir-guddoonka Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa ka hadlay geeridan Xildhibaanka, waxaanay tacsi u direen qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay, iyagoo Marxuumkana ALLAAH naxariis uga beryey.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.