Kulan saddex geesooda oo dhexmary Dublamaasiyiin Ingiriisa, Midowga yurub iyo Somaliland

Hargeysa(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka kooban diblumaasiyiin ka kala socda dawladda Ingiriiska iyo ururka Midowga Yurub oo booqasho ku yimi dalka maanta.

Silaanyo iyo safiirada2

Wefti oo ay hoggaaminayso safiir-ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ee dalka Itoobiya Cat Evans, waxa kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, waxay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha danaha labada dhinac.

 

silanyo iyo safiirada

Qodobada weftigan iyo Madaxweyne Siilaanyo isla soo qaadeen waxa ugu muhiimsanaa doorashooyinka qabashooda dib-u-dhacu ku yimi ee u qorshaysnaa dabayaaqada bisha June ee sannadkan 2015, taas oo aan weli xal laga gaadhin waqtiga dambe ee ay dhici doonto iyo muddo-kordhinta xukuumadda ee axsaabta mucaaradku sida wayn uga qaylinayaan.

Silaanyo iyo safiirada3

Kulankaasi kadib waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo safiir-ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa haweenayda magaceeda la yidhaa Cat Evans.

Siilaanyo iyo safiirada4

Dhinaca weftigan ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay Golaha Guurtida iyo madaxda saddexda xisbi qaran, kuwaas oo la filayo inay kala hadleen arrimaha doorashooyinka.

Siilaanyo iyo safiirada5Siilaanyo iyo safiirada6