Madaxweynaha Somaliland oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis cusub ku sameeyey Xukuumaddiisa

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabis masuuliyiin cusub iyo xil-ka-qaadis Masuuliyiin hore ku sameeyey Xubno Xukuumaddiisa ka tirsanaa, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed qoraal ah oo galabta ka soo baxay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne_Siilaanyo2013

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu magacaabay Wakiillo cusub oo Somaliland u metala dalalka dibedda qaarkood, halka uu Xubno hore xilalkaas u hayey-na uu ka qaaday, qaarkoodna beddelay. War-Saxaafadeedka Xambaarsan Digreetada Madaxweynuhu magacaabista iyo xil-ka-qaadista ku sameeyey oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Berberanews, waxa uu u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3129/032015 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey wakiilada Somaliland u fadhiya Dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka: Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka Jabuuti & Kenya; Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday:- 1.     In Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.

  1. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

 Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis: Ku:      Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir),

            Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Kenya                                              Nairobi

Og:     Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah    Hargeysa

Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.

Ku:      Mudane, Maxamed Xirsi Qalinle,

            Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Jabuuti                                                        Jabuuti

Og:     Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah    Hargeysa

Mudane

waxaan gartay in aan kaa aqbalo codsigaagii ahaa warqada shaqo ka fadhiisinta ee xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti. ALLAA MAHAD LEH.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.